Dhowr xubnood oo Kenyan ah ayaa dhintay, halka inka badan 30 kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kaddib markii uu shil galay baabuur ay la socdeen.
Warbaahinta maxalliga ah ee Kenya ayaa sheegtay in shilkan ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen ugu yaraan 30 qof, kadib markii bas ay la socdeen uu rogmaday kuna dhacay webi kuyaal Waruku oo u dhow Waddada Waiyaki ee magaalada Nairobi.
Wararka qaar waxay sheegayaan in shilkan baabuur ay ku dhinteen ilaa 4 qof oo Kenyan, halka dadka dhaawacyada qabana ay ka badanyihiin 30 xubnood, kuwaas oo loo qaaday cisbitaallo, si loo dabiibo.
Booliiska Kenya ayaa sheegay in ay baarayaan sababta keentay shilka oo aan si rasmi ah loo shaacin, waxaana dhacdadan ka hadlay saraakiil sar sare iyo xubno kale oo Kenyan ah.
Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada oo laga soo qaaday goobta shilku ka dhacay ayaa muujinayay badbaadiyeyaal iyo dad deegaanka ah oo si degdeg ah ugu gurmanaya dhaawacyada, waana mid ka mid ah shilalka gaadiidka ee ka dhaca Nairobi iyo duleedyadeeda.