Isku soo bax ballaaran oo ka dhan dhul-boobka kooxda Riddada ayaa ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, halkaas oo kooxda Riddadu ka waddo dhul-boob xooggan.
Shacabka ku dhaqan xaafadda Tookiyo ayaa si wayn kaga dhiidhiyay qorshe barakicin iyo burburin ah oo kooxda Riddadu xaafaddaasi ka samaynayso, waxayna dhigeen isku soo bax ka dhan ah dhul-boobkaasi.
Maleeshiyo ka tirsan Booliiska Riddada oo kooxda Riddadu usoo hubeysay inay is hor-taag ku sameeyaan kacdoonka shacabka, ayaa rassaas nool nool u adeegsaday dadka rayidka ah, waxayna taasi keentay dhimashada hal wiil oo dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cabdi Raage.
Hooyada dhashay wiilkan dhalinyarada ah oo xalay warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in wiilkeeda ay dishay xabbad uu si bareer ah ugu soo riday askari murtad ah oo Booliiska ka tirsan.
Qaar ka mid ah bulshada xaafadda Tookiyo ee ay guryahooda duullaanka ku tahay kooxda Riddada Gurguurte, ayaa si adag uga hadlay boobka lagu hayo, waxay sheegeen inay iska difaaci doonaan duullaanka lagu hayo guryahooda oo ah mid gaar ah oo ay boqol sano kabadan degganyihiin oo ay ab ka ab iska dhaxleen.
Maleeshiyada Riddada, ayaa sidoo kale lasoo wariyay inay xabsiga degmada Yaaqshiid dhigeen nin muuqaal duube ah oo ku sugnaa xaafadda Tookiyo ee isku soo baxyadu ka socdeen ee lagu dilay wiilka dhalinyarada ah.
Xaaladda xaafadda Tookiyo ayaa weli kacsan, waxayna dadka shacabka ah go’aansadeen inay si adag uga dhiidhiyaan dhul-boobka iyo barakicinta ay kooxda Riddadu ka waddo halkaasi.