Iska hor’imaadyo cusub oo u dhaxeeyay ciidanka imaarada islaamiga ah ee Afghanistan iyo ciidanka dowladda Riddada ah ee Pakistan ayaa ka dhacay deegaan dhaca xuduudka u dhaxeeya labada dal.
Isku dhacyada ayaa yimid kaddib markii ciidamo ka tirsan kuwa Pakistan ay si gardarro ah ugu soo xadgudbeen dhulka Afghanistan, gaar ahaan degmada Sabiin Buldik ee xuduudka dhacda.
Afhayeenka xukuumadda islaamiga Afghanistan ayaa sheegay in weerarka oo dhacay habeenkii jimcaha ay soo qaadeen ciidamada xukuumadda Riddada ah ee Islaamabaad, ciidanka imaarada islaamiga ahna si munaasib ah uga falceliyeen weerarkaasi.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan ku dhintay 4 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 4 kale sida ilo wareedyo maxalli ah soo sheegeen.
Dadka qaar ee ku shahiiday weerarka ciidanka Riddada Pakistan waxay ilo-wareedyo sheegeen in guryahooda ay ugu tageen hoobiyeyaal ay shacabka ku beegsanayeen ciidanka dowladda Riddada Pakistan.