Howlgal qarax ah oo ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab ka fuliyeen gudaha magaalada Jowhar ee wilaayada Shabeellada dhexe, ayaa lala eegtay gaari uu la socday sarkaal ka tirsan Booliska maamul goboleedka Ashahaada la dirirka Hirshabeelle.
Sarkaalka murtadka ah ee lagu beegsaday Jowhar ayaa lagu macaabaa Daahir Camey, inkastoo uu sarkaalkaasi ka badbaaday qaraxa balse waxaa ku dhaawacmay mid kamid ah askartii ilaalinaysay, waxaana sidoo kale ku burburay gaariga qaraxa lala eegtay.
Qaraxan uu dirqiga kaga badbaaday sarkaalka ka tirsan Booliiska maamulka Ashahaada la dirirka ah ee Hirshabeelle, ayaa kusoo beegamaya xilli qarax ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha magaalada Jowhar oo lala eegtay ciidamo isugu jiray Burundees iyo maleeshiyo ka tirsan Riddada oo ku lugeeynayey gudaha magaaladaasi ay ku dhinteen ilaaa laba askari oo Burundi ah, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale oo ka tirsan maleeshiyaadka Riddada.