Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda Oo Ciidanka Amaanka Ku Eedeeyay Inay Garaaceen.
  • Allposts
  • Warar

Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda Oo Ciidanka Amaanka Ku Eedeeyay Inay Garaaceen.

December 7, 2025

Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda, ninka lagu magacaabo Bobi Wine, ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee dowladda Uganda ay garaaceen isaga iyo xubno kale oo saaxiibadiisa iyo taageereyaashiisa ah.

Bobi Wine, ayaa qoraallo uu ku daabacay bartiisa X ku sheegay in ciidamo isugu jira Booliis iyo millatari ay garaacis kala daaleen isaga iyo koox ka mida taageereyaashiisa xilli ay ku guda_jireen olalaha dooraso ee ay ka sameynayaan mid ka mid ah magaalooyinka dhaca waqooyiga waddankaasi.

Wuxuu xusay in ciidamadu ul uga dhufteen wejiga isagoo ku sugan Gulu, oo ah magaalada ugu weyn ee waqooyiga Uganda, sidoo kalena taageerayaal badan la garaacay, kuwaas oo weliba cisbitaal la dhigay.

“Dambiileyaal xirnaa dareyska ciidanka booliska iyo militariga ayaa nagu soo weeraray ulal iyo dhagxaan, waxayna bilaabeen inay na garaacaan,” ayuu ku yiri Bobi Wine mid ka mid ah qoraalladiisa.

“Mid ka mid ah kooxdooda ayaa ul igu dhuftay wejiga… dhowr saaxiibo ahna cusbitaal bay jiifaan. arrimahan waxaa sabab u ah Museveni oo aad uga baqanaya shacabka.” Ayuu sii raaciyay.

Wine ayaa sidoo kale sheegay in mid ka mid ah kaaliyayaashiisa madaxa lagaga dhuftay ul, isagoo soo dhigay sawir muujinaya dhiig ka soo qubanaya madaxiisa. Waxa uu intaas ku daray in qalabkiisii ololaha, oo ay ku jireen cod-baahiyeyaashiisa la burburiyay.

Muuqaal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ayaa muujinaya ciidamo badan oo Boolis iyo militari isugu jira oo dadka ulo ku garaacaya, waxay na tani kusoo beegmaysaa xilli Arbacadii warsaxaafadeed uu soo saaray madaxa waxay ugu yeeraan xuquuqul Insaanka ururka Qaramada Midoobay, Volker Türk, uu kaga dayriyey waxa uu ku tilmaamay “cadaadis sii xoogeystay” oo lagu hayo mucaaradka Yugaandha, isaga oo sheegay in ugu yaraan 550 taageere oo ka tirsan xisbiga Wine la xiray sanadkan.

Dhankiisa afhayeenka militariga, Chris Magezi, ayaa ku eedeeyay Wine iyo taageerayaashiisa inay sameeyeen mudaharaad uu ku sheegay mid sharci-darro ah.

Bobi Wine, ayaa markii labaad shaaciyay in uu la loolamayo madaxweynaha keligii taliska 81 jirka ah ee Yoweri Museveni, kadib markii uu kaalinta labaad ka galay doorashadii dhacday 2021-kii.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Sirdoonka Turkiga Oo Shaaciyey In Kooxda Gurguurte Ay Cagta Saartay Dhabbadii Burburka.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -16-06-1447 Hijri.

Related Stories

Sarkaal Iyo Askar Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Weerar Ka Dhacay Duleedka Afmadoow.
  • Allposts
  • Warar

Sarkaal Iyo Askar Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Weerar Ka Dhacay Duleedka Afmadoow.

June 16, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 01-01-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 01-01-1448-Hijri.

June 16, 2026
Deni Oo Sheegay In Gurguurte Uu Faragelin Ku Hayo Deegaannada Maamulkiisa.
  • Allposts
  • Warar

Deni Oo Sheegay In Gurguurte Uu Faragelin Ku Hayo Deegaannada Maamulkiisa.

June 16, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada