Magaalada Dooxa ee caasimadda waddanka Qadar ayaa martigalisay shir ay isugu yimaaddeen kooxda Riddada Soomaaliya, ururka midowga gaalada Afrika kan midowga Yurub iyo sidoo kale dowladaha iyo hay’adaha kale ee tabantaabiya xukuumadda Riddada, kaas oo diiradda lagu saaray sidii loo badbaadin lahaa nidaamka dabadhilifka ah ee gaaladu dalka ka dhisatay.
Murtad Xasan Gurguurte madaxweynaha Riddada,Wakiilka Midowga Yurub ee Geeska Afrika Annette Weber, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar iyo wakiilo ka socda midowga Afrika ayaa goob joog ahaa madashaan oo qeyb ka aheyd shirka Dooxa ee arimaha amniga iyo siyaasadda, khudbadaha ay dhinacyadu jeediyeen ayaana u muuqday kuwa guux ah.
Murtad Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore sheegay in ay wajahaayaan dagaal halis ah oo kaga imaanaya Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab, kaas oo uu sheegay in uu yahay saddax jiho oo isugu jira mid milatari, mid fikri iyo mid dhaqaale intaba.
Ibrahima Diene oo isagana ah diblumaasi ka socday midowga Afrika si gaar ah howlgalka ciidamada kuffaarta, ayaa sheegay in ay u baahanyihiin taageero badan, isagoo intaa ku daray in ay wali mujaahidiintu yihiin awood muuqata.
Gaalada saliibiyiinta ee taakulaysa ayuu ugu baaqay in lala soo gaaro taageero joogto ah, qalab casri ah, diyaarado, injineerro iyo sirdoon.
Shirkan ayaa imaanaya iyadoo wali howlgalka ciidamada Kuffaarta Afrikaanta uu ku jiro xaalad hubanti la’aan ah, quwadihii maalgalin jirayna ay diidanyihiin in ay bixiyaan qarashaadka ku baxaya, kuwaas oo uu ugu horreeyo Maraykanka.