Magaalada Muqdisho waxaa maanta markale ka dhacay isku soo baxyo ka dhan ah dhul-boobka kooxda Riddadu ka wado caasimadda, halkaas oo ay isugu soo baxeen dadweyne aad u careysan.
Isku soo baxyadu waxay si gaar ah uga dhaceen isgoyska Saybiyaano ee magaalada Muqdisho, waxaana dibadbaxyada ka qayb qaadanayay dadkii shacabka ahaa ee laga barakiciyay xaafadda Dab-damiska ee gobolka Banaadir.
Dadku waxay ahaayeen kuwa aad u careysan, waxayna soo buuxdhaafiyeen oo la wareegeen isgoyska Saybiyaano, halkaas ayay na ku gubayeen taayirro sida laga dheehan karo muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada.
Maleeshiyo ka tirsan murtadiinta ayaa goobta lagu soo daadiyay kuwaas oo awood ciidan u adeegsaday shacabka careysan, qaar ka mid ah shacabka oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen inay dhibaatooyin kala kulmeen qaar ka mid ah saraakiisha Riddada ee dhul-boobka u qaabilsan murtad Xassan Gurguurte.
Waxay sheegeen in jirdil iyo dhibaatooyin kale la isugu daray dadka rayidka ah ee ka biya diidan in dhulalkii danta-guud ee laga barakiciyay la dhiso.
Waxay tani qayb ka tahay diidmada xooggan ee shacabka gobolka Banaadir ka muujinayaan in dhulalkii ay deganaayeen lagu wareejiyo ganacsato iimaan-laaweyaal ah oo malaayiin dollar ku harqiyay madaxda Riddada.