Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala gobolka Laamu oo ka mid ah dhulalka muslimiinta ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya, waxay howlgal qarax ah la beegsadeen Kolonyo ciidamo saliibiyiin Kenyaan ah oo ka baxay xero ku taalla buurta Kaamoole kuna sii jeeday deegaanka Shangaani.
Howlgalkan qaraxa ah waxaa Allaah fadligiis lagu dilay sarkaal Kenyaati oo miino baar ah, qaraxa kadib cabsi awgeed kolonyada ciidanka saliibiyiinta waxay na dib ugu laabteen xeradii ay kasoo baxeen ee kutaal buurta Kaamoole.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar culus ku qaadeen xerada ciidanka saliibiyiinta Kenya ee kutaala deegaanka Sheekh Barow ee hoostaga degmada Lafeey ee gobolka Mandheera ee ku hoos jira gummeysiga Kuffaarta Kenya.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in inta dagaalku socday ay ciidamada mujaahidiintu garneellada garbaha laga rido la heleen 2 teendho oo saliibiyiinta hub ugu jieen, dab xooggan ayaana ka kacay labada Teendho waxaana si aad ah loo maqlayay qaraxyada ka dhashay hubka ku dhex gubtay labadaasi teendho.