Shirkaan oo qaban qaabadiisa ay soo socotay muddo laba bilood ah, ayaa lagu wadaa inuu maanta si rasmi ah uga furmo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka ridada ee Jubaland.
Shirweynaha mucaaradka ridada ayaa waxaa ka qeybgalaya dhinacyada kala ah, golaha Samatabixinta, Jubaland, Puntland, iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah.
Kulanka mucaaradka ayaa socon doona muddo 3 cisho ah, sida ay laga soo xigtay maamulka ridada ee Jubaland, ayaa waxaana shaley durba gaaray magaalada Kismaayo xubno ka tirsan golaha mucaaradka Samatabixinta oo hordhac u ah siyaasiyiinta kale ee shirkaan ka qeybqaadanaya.
Shirkaaan oo laga soo saari doonaa qodobo xasaasi ah oo ka dhan ah dowladda ridada ee Xasan Gurguurte ayaa dhaliyey hadalheyn ballaaran, waxaana lasoo warinayaa in kooxda ridada Soomaaliya ay dhowr jeer isku dayday inay joojiso shirka mucaaradka iyadoona arrintaasi u maraysa dowladaha Kenya iyo Itoobiya, balse markii danbe ku fashilantay.
Shirkaan ayaa la sheegay inuusan ka qeybgali doonin murtad Farmaajo kadib markii siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan golaha Samatabixinta ay arrintaasi ka biya diideen.
Qodobada la hadalhayo inay shirkaan kasoo saari doonaan mucaaradka ayaa lagu sheegay inay ka mid tahay inay ku hanjabi doonaan in haddii Gurguurte doorasho heshiis lagu yahay qaban waayo ay iyagana soo dhisi doonaan dowlad kale oo barbar socota tan Xassan Gurguurte.
Kulanka mucaaradka waxuu imaanayaa xilli Xasan Gurguurte madaxa kooxda ridada Soomaaliya uu wali wado olalihiisa doorashada uu ugu yeerray “Qof iyo Cod” ee mucaaradka sida weyn uga soo horjeedaan.