Wararka ka imaanaya ismaamulka Laikipia ee dalka Kenya, ayaa sheegaya in uu is dilay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Booliiska Kenya, taasi oo si wayn looga hadal hayo deegaankaasi.
Dhacdadan ayaa lasoo wariyay inay dhacday 14-kii bishan December, marka hore sarkaalka ayaa dilay qof rayid ah oo saraakiisha Booliisku magaciisa ku sheegeen Benson Kipkemboi Chirchir.
Ninkan rayidka oo da’diisa lagu sheegay 29 jir, ayuu sarkaalka Booliiska ah ku dilay toogasho uu ka gaystay gudaha xarun ganacsi oo kutaal Ndurumo, sarkaalka ayaa dilka kadib goobta isaga dhaqaaqay wuxuuna aaday dhanka saldhigga uu ka howlgalayay ee deegaankaasi.
Warbixinnadu waxay sheegayaan in sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Peter Macharia Mwangi uu ugu dambayntii isku dilay isaga oo adeegsanaya qorigii uu qofka rayidka ah ku khaarajiyay albaabka gurigiisa.
Saraakiisha Booliisku waxay sheegeen inay baarayaan sababta ka dambeysa dilka uu ku kacay ninkan iyo waxa keenay in ugu dambayn uu isagana nafta is dhaafiyo, isaga oo adeegsanaya qorigii uu ku hubeysnaa.
Ma ahan dhacdo ku cusub ciidamada saliibiyiinta Kenya, saraakiisha iyo sidoo kale askarta Kenyaanka ah dhowr jeer ayay ku kaceen dhacdooyin kuwan la mid ah oo ay nafta isku dhaafiyeen, waxayna inta badan isku dilaan duruufo nololeed oo ku xeeran.