Ciidamada mujaahidiintu waxay saaka oo Khamiis ah dagaal kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Nuur-Dugle ee ka tirsan wilaayada islaamiga Sh/dhexe, ka gadaal markii ciidamada mujaahidiinta ay weerar xooggan ku qaadeen maleeshiyadii Riddada ee ku sugnaa deegaankaasi, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo murtadiinta ku gaaray weerarkaasi.
Haddaba akhriste wixii macluumaad ah ee kasoo kordha weerarkan lagula wareegay deegaanka Nuur-dugle iyo inta uu gaar_siisan yahay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee murtadiinta kasoo gaaray dib ayaan kasoo sheegi doonnaa Insha’Allaah.
Sidoo kale, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal gaar ah ka fuliyeen gudaha degmada Balcad ee Sh/dhexe, kaasoo lagu dilay askari murtad ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada gaar ahaan kuwa NISA ee sirdoonka Riddada ah, waxaana askariga la dilay lagu magacaabi jiray Yamani.
Dhanka Hiiraan, howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha magaalada Baladweyne ayaa lala eegtay maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa saldhigga Booliska ee magaaladaasi, waxaana jira khasaare Riddada soo gaaray.
Dhanka Banaadir, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah la eegteen xarun maleeshiyaadka murtadiinta ay u diyaariyeen doorasha gaaleedka kooxda Riddada taasi oo ku taalla xaafadda Gubta ee degmada Dayniile, dhaawaca waa 2 askari murtadiin ah oo ka mid ahaa ilaalada xaruntaas, sidoo kale waxey waxyeello xooggan soo gaartay labo gaari oo ka mid ah kuwa Riddada.
Sidoo kale, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta xabashida Itoobiya ee degmada Diinsoor, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.