Wasiirka wasaaradda amniga ee kooxda Riddada Soomaaliya murtadka lagu magacaabo C/Laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa si adag uga hadlay shirka siyaasiyiinta mucaaradka uga furmaya xarunta maamul-goboleedka ashahaado-la-dirirka Jubbaland ee magaalada Kismaayo.
Shirkan oo ay ka qayb-gelayaan siyaasiyiinta mucaaradka ee la baxay madasha samatabixinta iyo labada hor-jooge ee Jubbaland iyo Puntland, ayuu wasiirku ka digay, waxaanu ku tilmaamay shir dhagaraysan oo lagu shirqoolayo ummadda Soomaaliyeed.
Waxa uu murtad Fartaag si gaar ah u weeraray Axmed-madoobe oo shirkan marti-geliyey iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ka qayb-galaysa, kuwaas oo dhammaantood uu ku tilmaamay daba-dhilifyo u adeegga danaha shisheeye oo isugu yimid marin-habaabinta bulshadda.
Shirkan ay kooxda Riddadu sida weyn uga gadoodday, ayaa lagu wadaa in si rasmiya uu u furmo gelinka dambe ee maanta, iyadoo wufuuddii ugu dambaysay oo uu hoggaaminayo Shariif-murtad ay goor dhawayd kasoo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.
Dulucda uu daaran yahay ajandaha shirka ayaa lagu sheegay gorfaynta hannaankii loo dhisi lahaa xukuumad cusub oo beddesha tan uu hoggaamiyo murtad Gurguurte, sida uu goor dhawayd warbaahinta la wadaay C/Rashiid Xiddig oo xubin ka ah golaha dawaaqiidda ee Riddada Soomaaliya, kana mida ah siyaasiyiinta mucaaradka ee isugu tagay magaalada Kismaayo.