Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka muhiimka ah ee Nuur-Dugle ee ka tirsan wilaayada Shabeellada Dhexe, kaasi oo ay mujaahidiintu kula wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi.
Dagaalka oo Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 11 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadkii murtadiinta ee dagaalka looga saaray deegaanka Nuur-dugle, ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxay sidoo kale dagaalkaasi ku dhaawaceen ilaa 7 kale.
Dhanka Gaarissa, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan Kuffaarta Kenya, kuwaas oo ku socdaalayay agagaarka deegaanka Burraa ee ka tirsan gobalka Gaarisa ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyadda Kenya.
Qaraxa ayaa si gaar ah u haleelay gaari Sagsiid ah, waxaa la xaqiijiyay in uu goobta ku burburay, waxaa sidoo kale la xaqiijiyay inay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ciidamo saliibiyiin Kenyan ah oo la socday gaariga qaraxaasi lagu burburiyay.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada kuffaarta Kenya ee deegaanka Jaaraa-jiilaa oo ah deegaan hoostaga magaalada Amuuma ee gobalka Gaarisa, dagaalka inta uu socday waxa uu dab xooggan qabsaday dhowr teendho oo saliibiyiinta Kenya ugu tiillay gudaha xerada.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in dagaalka kaddib ay diyaarad nooca Helicopterka ah xeradaasi soo caga dhigatay, taasi oo goobta ka daabushay dhaawacyada iyo maydadka ciidamada kuffaarta Kenya.