Barta xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ee baraha bulshada ayaa lagu faafiyay khariidad cusub oo muujinaysa damaca badeed iyo dhuleed ee dowladda nasaarada xabashida Itoobiya.
Khariiddada oo lagu soo dhex daray muuqaal inka badan 3 daqiiqo soconaya oo lagu baahiyay barta xafiiska Abiy Axmed uu ku leeyahay (X) oo horay loo dhihi jiray (Twitter) ayaa Itoobiya ku darsatay dhulka Jabuuti iyo sidoo kale Eritrea, halka qaybo ka mid ah Soomaaliyana la raaciyay Itoobiya.
Muuqaalka khariiddada lagu soo daray ayuu Abiy Axmed kusoo dhaweynayay ra’iisul wasaaraha wadanka Hindiya ninka lagu magacaabo Narendra Modi oo booqashadiisii ugu horreysa ee rasmi ah ku yimid Addis-ababa laba maalin ka hor.
Khariiraddu waxay muujinaysaa damaca Itoobiya ku doonayso khayraadka biyaha ee uu Allaah ku manneystay dalalkan oo Soomaaliya ay ka mid tahay, dhulka ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee ay khariiraddan dhanka Itoobiya raacisay waa gobollada waqooyiga, gaar ahaan deegaannada uu ka arrimiyo maamulka ashahaada la dirirka Somaliland.
Marka la faafiyay khariiddadan, baraha bulshada waxaa si wayn u qabsaday dood iyo dhaleecayn ka dhan ah khariiraddaasi, waxaana ka falceliyay dad badan oo isugu jira falanqeeyayaal, aqoonyahano iyo dad caan ka ah baraha bulshada oo ka kala socda dalalka dhaca Geeska Afrika, waxayna arrintaasi ku tilmaameen mid muujinaysa damac ballaarin dhuleed iyo isku day dib loogu soo nooleynayo damaca Itoobiya ee helitaanka marin badeedka.
Falanqeeyayaashu waxay tallaabadan Itoobiya ku tilmaameen mid diraysa farriin siyaasadeed oo halis ah, toos na u dhaawaceyso madaxbannaanida iyo soohdimadaha dalalka jaarka la ah Itoobiya.
Itoobiya waxay muddooyinkii u dambeeyay aad u kordhisay doonisteeda iyo damaceeda bad doonka ah, Eritrea ayay ugu goodisay inay xoog uga qaadan doonto khayraadkeeda biyaha, khariiradda cusub ee ay soo bandhigtay ayaa ka tarjumaysa damaca fog ee ay Itoobiya ku doonayso inay hesho marin-bad oo si toos ah ugu xira caalamka intiisa kale.