Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, ayaa sheegaya in shil gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan ka tirsan gobolkaasi.
Shilka oo ahaa mid culus ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan hoostaga degmada Badhan ee gobolka Sanaag, waxaana halkaas ku dhintay ugu yaraan laba qof oo rakaab ah.
Labada qof ee shilkan baabuur ku dhintay ayaa lagu kala magacaabi jiray Ibraahim Beermadoobe iyo Asma Cabdirashiid, waxayna ka mid ahaayeen dad rakaab ah oo saarnaa gaariga shilka galay.
Gaariga shilka galay ayaa ahaa nooca rakaabka ee u kala goosha Bari iyo Sanaag, dhowr qof oo kale ayaa lasoo wariyay inay shilka ku dhaawacmeen.
Gobollada waqooyiga Somalia waxaa aad ugu badan shilalka gaadiidka, halkaas oo ay dad badan ku dhintaan, sidoo kalena ku dhaawacmaan, burbur gaadiid iyo khasaare maaliyadeed oo kalena ka dhashaan.