Dagaallo culus oo lagu jabiyey maleeshiyaadka Riddada ayaa gelinkii dambe ee maanta waxay ka dhaceen duleedka degmada Warsheekh ee wilaayada Shabeellada Dhexe.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in dagaalladaasi lagu dilay ilaa laba askari oo murtadiin ah, kuwaas oo mid ka mid ah maydkiisa ay ka carareen maleeshiyada murtadiinta ah, halka lagu dhaawacay ilaa saddex askari oo kale.
Dagaalladan lagu jabiyay murtadiinta ee galabta ka dhacay duleedka degmada Warsheekh ayaa kusoo beegmaya xilli 2 qarax oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada mujahaidiintu ka fuliyeen isla duleedka degmadaasi lagu beegsaday maleeshiyaad murtadiin ah, waxaana qaraxyadaasi ku dhaawacmay 5 askari oo murtadiin ah.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiinta waxay weerareen Airport-ka degmada Waajid, xilli halkaas uu ka duulayay madaxa maamul gobaleedka ashahaada la dirirka ee Koornfur Galbeed murtad Lafta Gareen oo ku sugnaa degmada Waajid.