Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Masar Oo Qorsheyaal Ka Dhan Ah Itoobiya Ka Wadda Dalalka Eretriya iyo Jabuuti.
  • Allposts
  • Warar

Masar Oo Qorsheyaal Ka Dhan Ah Itoobiya Ka Wadda Dalalka Eretriya iyo Jabuuti.

December 25, 2025

Kadib burburkii ku yimid wada-xaajoodkii khilaafka biyo-xireenka Al-Nahda, dowladda Masar waxay bilawday qorshe ay doonayso inay cadaadis ku saarto dawladda Xabashida Itoobiya, kuna horumariso dekedaha istaraatiijiga ah ee Jabuuti iyo Eretriya.

Qorshahan cusub ee Masar ayaa ilo-wareedyo ku sugan Qaahira u xaqiijiyeen wargeyska The National oo fadhigiisu yahay Imaaraadka. Waxaanay xogtu tibaaxaysaa inay jiraan heshiisyo qarsoodi ah oo Masar ku ballanqaaday inay ku casriyeyso dekedda Cassab ee Eritiya iyo dekedda Dooraale ee Jabuuti.

Waxa la sheegayaa in Masar ay rabto in marka hore ay ballaariso awoodda dekedahaasi, isla markaana ay u samayso meelo ay ku xiran karaan maraakiibta dagaalka iyo sidoo kale xarumo marti-gelin kara ciidamo tababaran.

Labada dekedoodba waxay ku dhow yihiin marin-biyoodka caalamiga ah ee Baabal-mandab oo ah albaabka koonfureed ee Badda Cas, oo dhanka kalena ah waddo badeed muhiim ah oo isku xira dhulka loogu yeero Bariga dhexe, qaaradaha Aasiya, Yurub iyo Bariga Afrika.

Itoobiya oo si weyn ugu tiirsan dekedda Dooraale, gaar ahaan gaadiidka iyo kala-wareejinta badeecadaha, ayaa muddo dheer waxay kasoo hor-jeedday dedaallo ay dalalka derisku ku rabaan inay joogitaan dhuleed ama ciidan ku yeeshaan Badda Cas.

Ilaha qaar ayaa sheegay in heshiiska Eritriya la dhammeystiray intii lagu jiray booqasho uu Qaahira ku tegay Madaxweyne Isaias Afwerki dabayaaqadii Oktoobar, halka heshiiska Jabuuti si gooni ah ay u wada xaajoodeen saraakiil Masaari iyo Jabuutiyaan ah.

Waxa la sheegay in labada heshiisba ay ka kooban yihiin casriyeyn lagu sameynayo kaabayaasha si loo suurtageliyo in maraakiibta dagaalka ee Masar ay ugu shuban karaan shidaal, isla markaana ay sahay uga heli karaan labada dekedoodba.

Heshiiska Masar iyo Jabuuti waxaa kaloo ku jira hagaajinta waddooyinka iyo kaabayaasha ku xiran dekedda Dooraale, oo maraakiibta uu maamulka Qaahira ugu talo-galay inay ka hawl-galaan ay ka mid yihiin gujisyada, kuwa wax burburiya iyo kuwa xamuulka ee qaada ciidamada iyo diyaaradaha.

“Ilaa hadda heshiisyadu waxay sharciyeeyeen joogitaanka millateriga Masar ee labada dal,” ayuu yiri qof xogogaal ah oo la hadlay The National, isagoo intaas ku daray in maraakiibta dagaalka Masar ay si joogto ah u booqdaan labada dekedood.

Arrintan ayaa timid iyadoo dawladda daba-dhilifka ah ee Masar ay dhawaan shaacisay in gebi ahaanba uu burburay wada-xaajoodkii iyaga iyo Itoobiya u dhaxeeyey ee ku saabsanaa khilaafka biyo-xireenka Al-Nahda oo bilo ka hor si rasmiya Abiy Axmed xarigga uga jaray.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -05-07-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-07-1447 Hijri.

Related Stories

Dhagayso Koox Jawaasiis Ah Oo Lagu Dilay Fagaare Kuyaal Jammaame.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Koox Jawaasiis Ah Oo Lagu Dilay Fagaare Kuyaal Jammaame.

March 1, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -13-09-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -13-09-1447-Hijri

March 1, 2026
Daawo Weerarkii Lagu Laayay Saraakiisha Reer Galbeedka Iyo Maleeshiyaadka Axmed Madoobe.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Weerarkii Lagu Laayay Saraakiisha Reer Galbeedka Iyo Maleeshiyaadka Axmed Madoobe.

March 1, 2026

Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada