Isku soo baxyo ballaaran oo ka dhan ah dhagaraha Yahuuddu usoo safrisay waqooyiga Soomaaliya ee ay ku shaacisay inay aqoonsi siisay maamulka uu fadhigiisu Hargaysa, ayaa ka dhacay gobolka Awdal ee waqooyiga Somalia.
Bannaanbaxa waxaa ka qayb galay dadweyne aad u fara badan oo si wayn uga carooday gumeysiga Yahuuddu la damacsan tahay dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan gobollada waqooyi, waxayna si adag uga hadleen go’aanka uu maamulka Netanyahu ku aqoonsaday maamulka murtad Cirro.
Waxay sheegeen in garab iyo gaashaan u yihiin walaalahood reer Falastiin, ayna kasoo horjeedaan qorshaha dhagareysan ee Yahuuddu ku doonayso inay ku kala qaybiso dhulalka muslimiinta.
Waxay cod dheer ku sheegeen in dhulkan uu yahay mid ay leeyihiin shacab muslimiin ah, maamulka ashahaada la dirirka ah iyo kuwa la midka ahna aan taladiisa wax laga waydiinayn oo ay iyagu difaacanayaan.
Isku soo baxyada ka dhacay gobolka Awdal ayaa dhinac socday isku soo baxyo kale oo uu soo qabanqaabiyay maamulka Riddada Somaliland, kuwaas oo uu taageero ugu raadinayay aqoonsiga uu ka helay maamulka Yahuudda ee uu hoggaamiyo Beinyamin Netanyahu, balse bulshadu si adag uga hor-timid kuna diiday bannaanbaxyo kale oo lagu taageerayo walaalaha reer Falastiin.
Isku soo baxyadan ka dhacay waqooyiga Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli ay xabsiyada maamulkaas ku jiraan dad badan oo shacab ah oo ka hor yimid aqoonsiga maamulka Somaliland ka helay maamulka sahyuuniyadda Yahuudda, waxaana dadka u xiran arrintaas ka mid ah Sheikh Maxammed Kaariye, aqoon-yahanno iyo indheergarad si adag u diiday dhagarta Yahuudda.