Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay dedejinayso sidii ay saldhig millateri uga furan lahayd Gobolka Sanaag ee Gobollada Waqooyi sida ay baahiyeen qaar kamida warbaahinta Turkiga.
Turkiga ayaa sheegay in tan ay kaga hortagayaan saldhigga millateri ee la sheegay in Yuhuuddu ka samaysanayso Somaliland.
Turkiga ayaa horey u sheegay in uu saldhig ka furanayo Koonfurta dalka mar sii horreysay balse go’aankan kale ayaa noqonaya mid sii kordhinaya xiisadda dagaal wakiileedka ee Soomaali kala raacsan waddamo shisheeye ay isku waajihi doonaan jasiirad u eekaha dhulka Soomaalida.
Geesta kale aqoonsiga Somaliland ee Netanyahu waxa si weyn uga soo horjeestay Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo waliba dalal ay kamid yihiin Eritrea iyo Turkey.
Murtad Xasan Sheekh ayaa xiriir dhanka taleefanka ah la sameeyay madaxda dalal badan si ay u taageeraan madaxbannaanida dhuleed ee Somalia, kuwaas oo badankood aqbaley marka laga reebo Itoobiya oo aan ka hadlin.
Sannad kahor ayaa xiisad sidan oo kale ah ka qaraxdey Geeska Afrika kaddib markii Somaliland heshiis Is Afgarad la saxiixatey Abiy Axmed kaas oo qayb kamida xeebaha Waqooyi lagu siinayey Itoobiya balse waxay kusoo dhammaatey murtad Xasan Sheekh Maxamuud oo oggolaadey in qayb kamida xeebaha Koonfureed la siiyo Itoobiya isla markaana hoos loo dhigo MoU-ga.