Waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawaca ah ee maleeshiyaadka murtadiinta ah lagu gaarsiiyay dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Warsheekh ee wilaayada Sh/dhexe, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyada Riddada.
Khasaaraha dhimasho ee maleeshiyada Riddada lagu gaarsiiyay dagaalladan ayaa gaaray ilaa 24 murtad oo qaarkood murtadiintu maydadkooda uga carareen fagaaraha dagaalka, waxaana lagu dhaawacay 14 kale oo murtadiin ah oo uu ku jiro taliye Urur lagu magacaabo Maxamuud Cadaawe.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiinta saacadihii lasoo dhaafay weerar culus oo toos ah ku qaadeen 2 xero oo maleyshiyaadka murtadiinta ah ay ka degganyihiin gudaha magaalada Baladweyne ee Hiiraan, waxaana xeryaha la weeraray ay kala yihiin xerada Lamagalaay iyo xerada Bacaadaha oo labaduba ay degganyihiin maleeshiyo ka tirsan Riddada, waxaana weerarradaasi Riddada kasoo gaaray khasaare.
Dhanka Gedo, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah ka fuliyeen gudaha magaalada Baardheere, kaasi oo lala eegtay maleeshiyo murtadiin ah oo baaritaanno ka waday gudaha magaalada, khasaare soo gaaray maleeshiyada Riddada ayaa jira.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah ka fuliyeen xaafadda Fii Afmadoow ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, waxaana qaraxaasi lala egtay maleyshiyaad dharcad ahaa oo ka tirsan maamul goboleedka Riddada ah ee Jubbaland, khasaare soo gaaray murtadiinta ayaa la xaqiijiyay in uu jiro.