Magaalada Istanbuul ee Turkiga waxaa ka dhacay wadahadallo u dhaxeeyay madaxa kooxda Riddada Soomaaliya murtad Gurguurte iyo madaxweynaha dowladda Riddada ee Turkiga Rajab Tayip Erdogaan, kuwaas oo ka wada hadlay boobka khayraadka uu Allaah ku manneystay umadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha dowladda Riddada Turkiga, Erdogaan ayaa oo barbarkiisa uu taagan yahay murtad Gurguurte ayaa sheegay in dowladiisu dhammaystirtay sahminta shidaalka ee ay ka sameynaeen Soomaaliya, sannadka 2026-ka ay si rasmi ah u billaabi doonaan qodista shidaalka ku jira waddanka.
Wuxuu ka hadlay duullaanka ashahaada la dirirka ah ee ay dowladdiisu kaga jirto Soomaaliya, taakulada millatari iyo tabobarada ciidan ee ay ku bixiyaan maleeshiyada Riddada ayuu ku faanay.
Mar uu dhanka arrimaha dhaqaale boobka ka hadlayay wuxuu sheegay in markabka sahminta ee Oruç Reis, uu sagaal bilood baaris ka waday biyaha Soomaaliya, baaritaankaas na lagu sameeyay dhul-badeed lagu sheegay in uu dhan yahay 4,465 KM oo laba jibbaaran.
Erdogan ayaa shirkiisa jaraa’id ku yiri “Waxaa naga go’an adkeynta madax-bannaanida Somalia iyo in aan si wadajir ah uga shaqeyno ka faa’iidaysiga kheyraadkeeda.”
Dowladda Turkiga waxay dhanka kale sheegtay inay Soomaaliya ka dhisayso saldhig hawada ah oo uu madaxweynahooda sheegay in laga ridi doono ama laga tijaabin doono dayax-gacmeedka sida uu hadalka u dhigay.
“Iyadoo la raacayo heshiisyada aan saxiixnay, waxaan doonaynaa inaan Soomaaliya ka dhisno xarun hawada sare, isla markaana aan abuurno kaabayaal la xiriira ridista dayax-gacmeedyada iyo teknoolajiyada satellite-ka,” ayuu yiri Erdogaan.
Murtad Gurguurte ayaa boobka Turkiga ee khayraadka shidaalka Soomaaliya ku tilmaamay guul wayn oo xukuumaddiisa gaartay, “Sidii aan horay u ballan qaadnay waxaan u howl galnay sidii loo ogaan lahaa, loona soo saari lahaa khayraadka dalkeenna oo shidaalku ugu horreeyo. Alla mahaddii maanta waxaa noo bilaabatay miradhalka howshaas iyo ka faa’iideysiga khayraadka dalkeenna. Waa guul weyn oo taariikhi ah”. Ayuu yiri murtad Gurguurte.
Turkiga ayaa horay kooxda Riddada uga saxiixday heshiisyo tira beel ah oo isugu jira kuwa lagu boobayo khayraadka badda iyo berriga, waxaana ka mid ah kan shidaalka oo 90% uu qaadanayo Turkiga shidaalka uu soo saari doono, halka kooxda Riddada ay qaadan doonto 5%, taasoo ka dhigan in kheyraadka shidaalka Soomaaliya Turkiga loo gacan galiyay.