Markii ugu horraysay dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sheegtay in ay soo afjartay mashruucii ay ku raadinaysay marin badeed wixii hadda ka dambeeyanaya ay qaadi doonto tallaabadii lagu fulin lahaa mashruucaas bad raadinta ah.
Gedion Timotheos oo ah wasiirka arrimaha dibadda dowladda Xabashida ayaa goob fagaare ah ka sheegay in dalkiisu uu ka tallaabay marxaladda bad raadinta waxa kaliya ee hadda lawada sugayana ay tahay qabsashada bad ay Itoobiya ka dhisato dekado iyo saldhiyo ciidan.
Isagoo lahadlayay xildhibaannada baarlamaanka Itoobiya ayuu carrabaabay in sanado badan kadib ay soo afjareen raadinta marin badeed haddana lajoogo waqtigii fulinta ajandayaasha
“arrinta raadinta bad waa hiigsi qaran oo ka sarreeysa xisbi ama dowlad kasta oo timaada,hadda waxaynu ka gudubtay marxaladdii bad raadinta waxa kaliya ee nagala sugayo waa fulinta hayaankii dheeraa ee aan soo galnay” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Xabashida Itoobiya.
Lama oga in Xabashidu ay usoo ruqaansan doonto badda Soomaaliya iyo in ay ku duuli doonto xeebaha wadanka Ereteriya.
Warkan kasoo yeeray dowladda Xabashida Itoobiya ayaa kusoo aadaya xilli loollana awood raadis ee ka jira geeska Afrika ay meeshii ugu sarraysay gaareen.