Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu weerar millatari oo ballaaran ku qaaday Venezuela, isla markaana uu gacanta kusoo dhigay Madaxweyne Nicolas Maduro. kadibna laga saaray dalka.
Trump wuxuu ku eedeeyay Maduro inuu hoggaaminayay ganacsiga darooga, isla markaana uu musuqay doorashadii 2024.
Weerarka ayaa noqday faragelintii ugu horreysay ee tooska ahayd ee Maraykanku ka sameeyo Latin America tan iyo Panama 1989.
Dowladda Venezuela waxay sheegtay in weerarradu sababeen dhimasho rayid iyo askar ah, balse wax tiro ah lama shaacin.
Caracas iyo gobollo kale ayaa lagu soo warramay in qaraxyo ka dhaceen, korontaduna ay ka go’day meelo ka mid ah caasimadda.
Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in Maduro ay qabteen ciidamo gaar ah, isla markaana dacwado dambiyeed uu ku wajihi doono gudaha Maraykanka.
Madaxweyne ku xigeenka Venezuela iyo wasiirrada difaaca iyo arrimaha gudaha ayaa cambaareeyay faragelinta, kuna baaqay midnimo iyo iska caabin.
Dalal ay ka mid yihiin Ruushka, Cuba iyo Iran ayaa si adag u cambaareeyay weerarka, iyagoo ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida Venezuela.
Dhacdadan ayaa dib u soo celisay xusuusta faragelinnadii hore ee Maraykanka ee gobolka, waxayna dhalisay su’aalo ku saabsan awoodda Trump.
Sidoo kale waxaa aad la isku waydiinayaa saameynta uu weerarkani ku yeelan karo siyaasadda gudaha Maraykanka, iyo suuqyada shidaalka caalamka.