Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa soo hadal-qaadday xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan aqoonsiga Sahaayinadu ay u fidisay Somaliland.
Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Suleyman Dedefo ayaa sheegay in dawladdiisu aysan wax war ah ka hayn go’aanka Yahuuda ee ay ku aqoonsatay Somaliland, ayna hadda si dhow ula socoto xaaladda.
Safiirka oo waraysi warbaahin laga leeyahay Ingiriisa ayaa muujiyey in Itoobiya mowqifkeedu caddayn, oo ay doorbidayso fiirinta sida ay wax u dhacaan.
Safiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay go’aan ka gaari doonto arrintan marka ay aragto inay saameyn ku yeelanayso danteeda qaran.
Suleyman wuxuu sheegay in Itoobiya ay doorbidayso in deked ay ku hesho si nabad ah, laakiin haddii taasi ay suurtogeli weydo, ay qaadayso tallaabo kasto oo ay ku xaqiijinayso marin-badeed.
Wuxuu xusay in heshiiskii ay Itoobiya la saxiixatay maamulka Somaliland ee ku saabsanaa dekedda aanu weli wax horumar ah ka samayn.
Suleyman Dedefo, wuxuu ku dooday in Itoobiya ay leedahay wax uu ku sheegay xuquuq taariikhi ah oo ku aaddan biyaha Badda Cas.
Geesta kale, safiirku wuxuu ku eedeeyay Masar inay isku dayayso inay qalalaase ka abuurto Geeska Afrika” iyadoo taageeraysa awoodaha kasoo horjeeda Itoobiya.
Wuxuu sheegay in khilaafka Biyo-xireenka Al-Nahda uusan ahayn mid biyo la’aan ku saabsan, balse uu yahay mid siyaasadeed oo salka ku haya damaca Masar ee ah inay gobolka hoggaamiso.
Suleyman Dedafo wuxuu si adag u sheegay in isku dayga Masar ee ah inay hareerayso dawladda Xabashida Itoobiya uusan marnaba guulaysan doonin.