Wararka ka imanaya gobolka Waqooyi-galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in khasaare baaxad leh uu ka dhashay dab waaberigii saaka ka kacay guri ku yaalla mid ka mida xaafadaha magaalada Hargeysa.
Dabkan oo la sheegay inuu ahaa mid aad u xooggan ayaa galaaftay nolosha ugu yaraan 5 qof oo isku qoys ah, kuwaas oo la xaqiijiyey in dhammaantood ay geeriyoodeen.
Allaah SWT ha u naxaiistee, shanta ruux ayaa kala ahaa Hooyo, walaasheed iyo saddex caruur ah oo hooyadu dhashay, kuwaas oo ahaa hablo yar yar oo da’doodu u dhexaysay 3 jir ilaa 12 sano jir.
Waxaa isna gebi ahaanba basbeellay hoygii dabku qabsaday ee qoyskani deggenaayeen, kaas oo ku yaalla xaafadda 150-ka ee waqooyiga magaalada Hargeysa.
Dhacdadan argagaxa badan ayaa kusoo aadaysa xilli magaalada Hargeysa muddooyinkan dambe ay kusoo bateen gubashada guryaha iyo goobaha ganacsiga oo marar badan khasaare culus ay ka dhasheen.