Wararka ka imanaya dhulka ku hoos-jira gumeysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ugu yaraan 22 ruux ay ku geeriyoodeen, 65 kalena ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay gobolka muslimiinta Canfarta ee Xabashida Itoobiya ay gumeysato.
Shilkan khasaaraha culus geystay oo waaberigii shalay ka dhacay magaalo lagu magacaabo Samaara, ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari xamuul ah oo sidday badeecado kala duwan iyo dhalinyaro fara badan oo rakaab ah.
Sida ay xoguhu tibaaxayaan, waxaa laga cabsi-qabaa in tirada dhimashadu ay kasii kororto intaasi, waxaana dhaawacyada oo la sheegay inay u badan yihiin garaab, loo daad-gureeyey cisbitaal ku yaalla magaalada Dubti oo ka tirsan gobolka Canfarta.
Sawirro lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa muujinaya baaxadda khasaaraha shilka iyo burbur xooggan oo soo gaaray baabuurkan xamuulka ah oo la sheegay inuu gaddoomay kadib markii xakamaha uu goostay.
Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa xilli shilalka baabuurtu ay muddooyinkan dambe si weyn ugu soo bateen Itoobiya iyo guud ahaan deggaannada muslimiinta ee ay xoogga ku haysato.