Maalin kadib markii uu wasiirka arrimaha dibadda Kiyaanka Sahuuniga ah uu booqasho rasmi ah ku yimid dalka Soomaaliya isagoo ay wehliyaan ciidamo iyo diyaarado dagaal ayay soo baxayaan warar sheegaya in dowlado hor leh ay aqoonsi siin doonaan maamulka isku magacaabay Somaliland.
Mas’uul American ah ayaa sheegay in aqoonsiga ay Yahuuddu ufidisay maamulka Somaliland uu lajaan qaadayo masaalixda amni ee Mareykanku ka leeyahay geeska afrika iyo ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada.
Senator Teed Kuruus oo katirsan baarlamaanka Mareykanka ayaa tallaabada ay qaadday Yahuuddu ku sifeeyay mid hore looqaaday isagoo ugu baaqay maamulka Trump uu il gaar ah ku eego maamulka Riddada Somaliland.
Dhinaca kale illaa sedax dowladood ayaa lasaadaalinayaa in ay aqoonsi buuxo siiyaan maamulka ashahaadda ladirirka Somaliland.
Mas’uuliyiin iyo diblumaasiyiin ku sugan mandiqadda geeska Afrika ayaa usheegay wakaaladda wararka Reuters in dhowr dowladood ay qaadan doonaan mowqif lamid ah midka Yahuudda ayna aqoonsan doonaan Somaliland.
Dowladaha lafilayo in ay maamulka Hargeysa u aqoonsadaan dowlad madax banaan waxaa kamid ah dowladda Xabashida Itoobiya,Hindiya iyo Imaaraatka Carabta.
Inkastoo Hindiya ay beenisay in ay isku diyaarinayso ictiraafka maamulka Somaliland hadane falanqeeyaal ayaa aaminsan in Hindiya ay aqoonsan doonto maamulka Somaliland iyadoo la loollamaysa dowladda shiinaha maadaama ay isku hayaan dhaqaalaha geeska Afrika.
Dhammaan dowladahan latuhunsanyahay in ay aqoonsan doonaan maamulka Somaliland ayaa ka aamusay tallaabadii uu qaatay maamulka Yahuudda.