Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta Al-shabaab qaraxyo culus ku mireen fariisimo ciidan oo ay leeyihiin maleeshiyaadka murtadiinta.
Jugta qaraxyada oo si wayn loo maqlayay, ayaa si gaar ah u beegsaday laba fariisin oo maleeshiyaadka murtadiinta ah ku leeyihiin xaafadaha Gubta iyo Barwaaqo oo ka wada tirsan degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Khasaare kala duwan ayaa weerarka lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Riddada, waxaana goobta qaraxyadu ka dhaceen la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen ilaa saddex askari oo murtadiin ah, kuwaas oo mid ka mid ah dhaawiciisu yahay mid garaab ah.