Dabkan oo ahaa mid ballaaran, ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka kacay dhul daaqsimeed kuyaal banka xaguuga ee degmada Gaashaamo ee gobolka Jarar ee dhulka Soomaali-galbeed.
Ilo wareedyo deegaanka ah, ayaa soo sheegay in debka uu baabiyay dhul-daaqsimeed ballaaran, kaasoo xilliga jiilaalka ay xooluhu daaqi jireen, waxaa sidoo kale lasoo wariyay in xoolo badan oo ari ah ku gubteen dabkaasi.
Ma jirin gurmad deg deg ah oo goobta gaaray si loo yareeyo xowliga uu ku socday dabka, waxay taasi keentay baa la yiri in dabku si fudud ku faafo oo khasaare ballaaran gaysto.
Wararku waxay intaas ku darayaan in inta dabku socday ay banka Xaguuga isaga barakaceen reero halkaas degganaa, sawirro lagu faafiyay baraha kala duwan ee bulshada ayaa muujinayay dadka deegaanka oo xaaladda debka la tacaalaya, goor dambe ayaa lasoo wariyay in lagu guumeystay demintiisa.
Dhowr jeer oo hore ayuu sidan oo kale dab uga kacay banka xaguuga, kaasi oo ah dhul isugu jira daaqsimeed iyo mid dalxiiseed kuyaal bariga gobolka Jarar ee dhulka Soomaali galbeed, waxaa markii hore la sheegay in uu ahaa dhul kayn ah, balse isbedelka cimiladu keenay inay dhirtu guurto , sidaasna dadka deegaanku ugu bixiyeen banka xaguuga, hadda waa dhul daaqsimeed, waxaana xilliyada jilaalka ama abaarta ah bankan daaqa xoolaha kala duwan.