Wasiirka warfaafinta maamulka ashahaada la dirirka ee Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Garoowe kaga digay safar uu qorsheynayo in murtad Xasan Sheikh Maxamuud inuu ku tago magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Wuxuu murtadkan Xassan Gurguurte u jeediyay eedaymo ay ka mid yihiin in uu ku howlan yahay colaad uu ka huriyo waqooyiga Soomaaliya, si gaar ah gobolka Sool oo horay u martigeliyay dagaallo culus.
Wuxuu intaa ku daray oo Xassan Sheikh Maxamuud ku eedeeyay in uu ciidan ku daabulayo gobolka Sool, si ay ula dagaalamaan buu yiri maamulka uu madaxa u yahay murtad Cabdiraxmaan Cirro.
Murtad Caydiid oo sii hadlayay ayaa sheegay in murtad Xassan Gurguurte uu qorsheynayo in deegaano ka tirsan maamulkiisa uu heshiis kula galo Turkiga si buu yiri halkaas saldhigyo milatari looga dhiso, taasi oo uu ujeedkeedu ku sheegay inay tahay in geeska Africa laga abuuro colaad cusub.
Hadalka wasiirka warfaafinta maamulka ashahaada la dirirka Puntland, ayaa kusoo beegmaya xilli murtad Gurguurte uu qorsheynayo in uu ka dego Laas-caanood, socdaalkaas ayaana la sheegay in uu yahay mid uu ku cadaadinayo maamulka Riddada Somaliland.