Xili Soomaaliya ay ku jirto xaalad aad u adag oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee saameynta ku yeeshay dhamaan gobolada wadanka, ayaa wabiyada Jubba iyo Shabeelle waxa ay bilaabeen in ay biya yareeyaan halka ay guraan qaarkood.
Labadan wabi oo il biyo u ah malaayin kamid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfurta dalka ayaa laga dareemayay mudooyinkii dnabe biyo la’aan hare iyadoo wabiga Shabeelle goobaha qaar uu engagay.
Buuralayda Itoobiya oo ay kasoo butaacaan ayeey wararku sheegaya in nidaamka Abiy Axmad uu si ulakac ah biyaha uga xiray malaayinta kamid ah shacabka Soomaaluyeed ee ku tiirsanaa.
Murtad Maxamuud Macallim Cabdulle oo ah gudoomiyaha hay’adda Maareeynta Musoobooyinka ee kooxda Riddada ayaa shegay in Itoobiya ay samaysay biyo xireenno waaweyn halkaas oo ay uleexisay biyihii wabiyada Jubba iyo Shabeelle.
Wuxuu intaa ku daray in waqtiyada ay roobabku da’ayaan ay soo fasaxdo kaydadka biyaha taas oo iyadana keenta fatahaado saameyn weyn ku reeba dadka iyo duunyada intaba.
Iyadoo abaaraha dalka kajira ay sii lixaadsanayaan ayaa hadana dhibaatada ugu weyn ee dadka haysata ay tahay biya la’aanta baahsan, Shabeelle iyo Jubba oo il u ahaa malaayin xoolo dhaqato iyo beeraley ah ayaana hada wajahaya culays kale.