Dowladda Masar oo sii kordhinaysa cadaadiska ay saarayso Itoobiya, ayaa la ogaaday inay qaadday tallaab si wayn uga caraysiisay Abiy Axmed, iyada oo heshiisyo qarsoodi oo istaraatiiji ah la gashay dowladaha Eritrea iyo Jabuuti.
Ilo wareedyo ku sugan Al_qaahira ayaa The National u sheegay in Masar si rasmi ah u qaadatay horumarinta dekado kuyaal geeska Africa, gaar ahaan dekadaha Eritrea iyo Jabuuti, si ay ugu kordhiso cadaadiskeeda ka dhanka ah Itoobiya ee ku saabsan biyo xireenka Al-nahda.
Heshiisyada ayaa la sheegay in si hoose oo aamusan loo saxiixay, waxay na sidaasi Masar ku heshay inay casriyayso oo horumariso labada dekadood ee muhiimka ah ee Casab oo Eritrea kutaal iyo Dooraalle oo kutaal Jabuuti.
Sida ilo wareedyadu sheegayaan, heshiisyadan oo ah kuwa dowladda Masar ay ku xoojinayso awooddeeda, waxay dhigayaan in la dhiso meelo gaar ah oo loogu talagalay inay kusoo xirtaan maraakiibta dagaalka, waxa ay sidoo kale oggolaanayaan in meelahaas la geeyo ciidamo militari oo Masaari ah oo heer sare ah balse tiradoodu yar tahay.
Labadan dekedood ee Masar ololaheeda cadaadiska Itoobiya u adeegsanayso ayaa kuyaal meel u dhow marin biyoodka Baabul Mandab oo ah albaabka koonfureed ee Badda Cas, waxayna heshiisyadan haddii ay sida ay tahay u dhaqan galaan halis ku yihiin dowladda Itoobiya, taasi oo xuduud la leh Eritrea iyo Jabuuti, waxaana la ogyahay inay si weyn ugu tiirsan tahay dekedda Doraale, oo ay kala soo degto badeecadaha.
Ilo wareedyadu waxay sheegayaan in Masar, oo xiriir siyaasadeed iyo sidoo kale mid millatari oo xooggan la leh labadan dowaldood, ay heshisyadan ku dhisi doonto kaabayaasha dhaqale ee labada dekedood si ay maraakiibteeda uga hesho shidaal iyo sahay, gaar ahaan kuwa taabacsan ciidankeeda badda ee koonfureed, maraakiibta quusa, kuwa ciidamada daabula, iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.
Heshiiska Masar iyo Jabuuti, ayaa si gaara loo xusay in uu dhigayo horumarin lagu sameeyo shabakada waddooyinka ku xira Dekedda Doraleh, maadaama Itoobiya oo aan lahayn bad tan iyo markii Ereteriya ka go’day 1993, ay ku tiirsan tahay dekeddaas oo ay ku gaarto badda.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah oo arrintan si dhow isha ugu hayay, ayaa sheegay in heshiiska dhanka Eritrea oo si qarsoodi ah loo saxiixay uu dhacay intii lagu guda-jiray booqashadii madaxweynaha xukuumadda Asmara, Isaias Afwerki uu ku tagay Qaahira dabayaaqada bishii Oktoobar 2025-kii, halka heshiiskan lala galay Jabuutina ay ka wada xaajoodeen oo soo gabagabeeyeen saraakiil sare oo Masaari iyo Jabuutiyaan ah.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo si wayn uga carooday heshiisyada Masar ku cadaadinayso ayaa dhawaan safar ku tagay Jabuuti, wuxuuna halkaa kula soo kulmay Ismaaciil Cumar Geelle oo ah madaxweynaha Jabuuti, iyagoo ka wada hadlay arrimaha ganacsiga iyo saadka.
Itoobiya waxay in ka badan hal sano muddo hadda laga joogo ku jirtay olole ay ku gaarayso badda Cas, balse Masar iyo dalalka kale ee xeebaha badda Cas ka tirsan, ayaa si wayn u diiday damacaasi, arrinta hadda soo korortay ee heshiiska Masar ayaana la sheegayaa in uu culays hor leh ku noqon doono Itoobiya, maadaama ay Masar fariisan doonto dekadda Doralle oo ay si wayn ugu tiirsan tahay iyo tan Casab oo ay ku goodinaysay inay soo ceshan doonto.