Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Masar Oo Heshiisyo Ka Careysiiyay Abiy Axmed La Gashay Eritrea Iyo Jabuuti.
  • Allposts
  • Warar

Masar Oo Heshiisyo Ka Careysiiyay Abiy Axmed La Gashay Eritrea Iyo Jabuuti.

January 13, 2026

Dowladda Masar oo sii kordhinaysa cadaadiska ay saarayso Itoobiya, ayaa la ogaaday inay qaadday tallaab si wayn uga caraysiisay Abiy Axmed, iyada oo heshiisyo qarsoodi oo istaraatiiji ah la gashay dowladaha Eritrea iyo Jabuuti.

Ilo wareedyo ku sugan Al_qaahira ayaa The National u sheegay in Masar si rasmi ah u qaadatay horumarinta dekado kuyaal geeska Africa, gaar ahaan dekadaha Eritrea iyo Jabuuti, si ay ugu kordhiso cadaadiskeeda ka dhanka ah Itoobiya ee ku saabsan biyo xireenka Al-nahda.

Heshiisyada ayaa la sheegay in si hoose oo aamusan loo saxiixay, waxay na sidaasi Masar ku heshay inay casriyayso oo horumariso labada dekadood ee muhiimka ah ee Casab oo Eritrea kutaal iyo Dooraalle oo kutaal Jabuuti.

Sida ilo wareedyadu sheegayaan, heshiisyadan oo ah kuwa dowladda Masar ay ku xoojinayso awooddeeda, waxay dhigayaan in la dhiso meelo gaar ah oo loogu talagalay inay kusoo xirtaan maraakiibta dagaalka, waxa ay sidoo kale oggolaanayaan in meelahaas la geeyo ciidamo militari oo Masaari ah oo heer sare ah balse tiradoodu yar tahay.

Labadan dekedood ee Masar ololaheeda cadaadiska Itoobiya u adeegsanayso ayaa kuyaal meel u dhow marin biyoodka Baabul Mandab oo ah albaabka koonfureed ee Badda Cas, waxayna heshiisyadan haddii ay sida ay tahay u dhaqan galaan halis ku yihiin dowladda Itoobiya, taasi oo xuduud la leh Eritrea iyo Jabuuti, waxaana la ogyahay inay si weyn ugu tiirsan tahay dekedda Doraale, oo ay kala soo degto badeecadaha.

Ilo wareedyadu waxay sheegayaan in Masar, oo xiriir siyaasadeed iyo sidoo kale mid millatari oo xooggan la leh labadan dowaldood, ay heshisyadan ku dhisi doonto kaabayaasha dhaqale ee labada dekedood si ay maraakiibteeda uga hesho shidaal iyo sahay, gaar ahaan kuwa taabacsan ciidankeeda badda ee koonfureed, maraakiibta quusa, kuwa ciidamada daabula, iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Heshiiska Masar iyo Jabuuti, ayaa si gaara loo xusay in uu dhigayo horumarin lagu sameeyo shabakada waddooyinka ku xira Dekedda Doraleh, maadaama Itoobiya oo aan lahayn bad tan iyo markii Ereteriya ka go’day 1993, ay ku tiirsan tahay dekeddaas oo ay ku gaarto badda.

Ilo wareedyo xog-ogaal ah oo arrintan si dhow isha ugu hayay, ayaa sheegay in heshiiska dhanka Eritrea oo si qarsoodi ah loo saxiixay uu dhacay intii lagu guda-jiray booqashadii madaxweynaha xukuumadda Asmara, Isaias Afwerki uu ku tagay Qaahira dabayaaqada bishii Oktoobar 2025-kii, halka heshiiskan lala galay Jabuutina ay ka wada xaajoodeen oo soo gabagabeeyeen saraakiil sare oo Masaari iyo Jabuutiyaan ah.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo si wayn uga carooday heshiisyada Masar ku cadaadinayso ayaa dhawaan safar ku tagay Jabuuti, wuxuuna halkaa kula soo kulmay Ismaaciil Cumar Geelle oo ah madaxweynaha Jabuuti, iyagoo ka wada hadlay arrimaha ganacsiga iyo saadka.

Itoobiya waxay in ka badan hal sano muddo hadda laga joogo ku jirtay olole ay ku gaarayso badda Cas, balse Masar iyo dalalka kale ee xeebaha badda Cas ka tirsan, ayaa si wayn u diiday damacaasi, arrinta hadda soo korortay ee heshiiska Masar ayaana la sheegayaa in uu culays hor leh ku noqon doono Itoobiya, maadaama ay Masar fariisan doonto dekadda Doralle oo ay si wayn ugu tiirsan tahay iyo tan Casab oo ay ku goodinaysay inay soo ceshan doonto.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
Next: Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

Related Stories

Dhagayso Koox Jawaasiis Ah Oo Lagu Dilay Fagaare Kuyaal Jammaame.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Koox Jawaasiis Ah Oo Lagu Dilay Fagaare Kuyaal Jammaame.

March 1, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -13-09-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -13-09-1447-Hijri

March 1, 2026
Daawo Weerarkii Lagu Laayay Saraakiisha Reer Galbeedka Iyo Maleeshiyaadka Axmed Madoobe.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Weerarkii Lagu Laayay Saraakiisha Reer Galbeedka Iyo Maleeshiyaadka Axmed Madoobe.

March 1, 2026

Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada