Wararka ka imaanaya magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay, ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay uu magaaladaasi ka kacay dab aad u xooggan oo gaystay khasaare baaxad leh.
Dabka ayaa si gaar ah uga kacay kaalin shidaal oo kutaal suuqa degmada Buurhakaba, waxaana uu dabkaasi sababay khasaare aad u badan oo maaliyadeed sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Ilo wareedyo ku sugan Buurhakaba ayaa sheegay in dabku yimid kaddib markii uu dab qabsaday booyad shidaal ku shubeysay kaalin shidaal oo kutaal suuqa magaalada, waxayna taasi keentay in dabku si deg deg ah u qabsado goobo ganacsi oo kale, ayna adkaato in si deg deg ah loo xakameeyo.
Muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dadka shacabka ah oo la tacaalaya xaaladda dabka, sawirrada goobta laga soo qaaday waxay muujinayeen burbur aad u baaxad weyn oo soo gaaray dhismeyaasha ganacsi ee suuqa uu dabku ka kacay.
Khasaare hantiyeed oo aad u badan ayaa lasoo wariyay in uu gaystay dabkaasi, wararka qaar waxay sheegayaan in dhowr qof ay dhaawacyo ku noqdeen dabka.