
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxay caawa deegaanka Garasbaaley ee dhaca duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho qarax culus kula beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo la socday gaari nooca cabdi bilaha ah.
Qaraxan barakaysan ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay ilaa 7 askari oo murtadiin ah, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu gubeen gaariga qaraxu haleelay ee Cabdibilaha.
Dhanka Mandheera, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada Kenya ee Ceelraamo ee degmada Ceelqaalow ee gobolka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga Kuffaarta Kenya, waxaana la hubiyay in inta uu socday dagaalku uu dab qabsaday howl weyn oo saliibiyiinta xerada uga dhex dhisnaa sahayna ugu jirtay.