Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya ay sii kordhayaan khasaaraha ka dhashay duufaan xooggan oo ku dhuftay magaalooyin ka tirsan dalkaasi.
Duufaantan oo loogu magacdaray Fyrn ayaa sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, burbur hantiyeed, joojinta duulimaadyada, iyo xaalad degdeg ah oo loogu dhawaaqay 20 gobol iyo magaalada Washington oo ah caasimada dalkaasi.
War kasoo baxay Booliska Mareykanka ayaa lagu sheegay in gabar 16 jir ah ay ku dhimatay shil ka dhashay barafka oo ka dhacay Frisco, halka gabar kalena ay si halis ugu dhaawacantay.
Mas’uuliyiinta caafimaadku waxay ka digeen in heerkulka hooseeya ee hawada ee ay la socdaan barafka uu sii xumeyn doono xaaladda maalmaha soo socda.
Maamulada ka jira gudaha Mareykanka ayaa ugu baaqay shacabka Amerikaanka in aysan kasoo bixin guryahooda inta ay socdaan duufaanada iyo dabeylaha xoogan.
Sidoo kale waxaa la hakiyay duulimaadyadii qaar ka mid ah garoomada waaweyn ee Mareykanka.
Xafiisyada Ronald Reagan ee Waqooyi Virginia ayaa gabi ahaanba la xiray, halka garoomo kale sida New York, Philadelphia, iyo Charlotte ay joojiyeen ugu yaraan 80% duulimaadyadooda maalintii Axadda.
Waxaa la sheegay in in ka badan 11,000 oo duulimaad gudaha Maraykanka lagu kansalay Axadda, iyadoo 4,000 kalena la joojiyay maalintii ka horreysay.
Korontadu ayaa si weyn uga go’day meelo badan oo koonfurta Maraykanka ah, iyadoo barafka iyo roobabka barafka wata ay jebiyeen laamaha geedaha iyo xariijimaha korontada.
In ka badan hal milyan oo guri iyo ganacsi ayey ka go’een adeegyadii korantada, kuwaas oo ku kala yaal 8 gobol, iyadoo Tennessee ay ahayd gobolka ugu daran.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in khatarta duufaanta ay tahay mid sii socon karta, iyaga oo ka digay in cimilada qabow ee daran ay sababi karto dhaawac ka dhasha barafka iyo xaaladaha halista ah ee wadooyinka.
Waxaa la sheegay in heerkulka qaarkood uu gaari karo heerar aad u hooseeya oo halis ah, gaar ahaan gobollada sare ee waqooyiga iyo Galbeedka Dhexe.
Duufaantan ayaa ka dhalatay xaalad cimilada ah oo heerkuulku aad uhooseeyo, taasoo ah hawada aadka u qabow ee ka timaadda Arctic-ka oo mararka qaar u gudubta gobollada baaxadda leh ee Maraykanka.