Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Qaraxyo Iiraan laga maqlay iyo warar sheegaya in labeegsaday hoggaamiye katirsan ciidanka Iiraan
  • Allposts
  • Warar

Qaraxyo Iiraan laga maqlay iyo warar sheegaya in labeegsaday hoggaamiye katirsan ciidanka Iiraan

January 31, 2026

Wararka ka imaanaya dalka Iiraan ayaa sheegaya in laba qarax oo xooggan ay maanta siyaabo kala duwan uga dhaceen gobolka Hurmuzgaan ee koonfurta dalkaasi.

Qaraxyadan ayaa si gaar ah kaga dhacay magaalada dekedda leh ee Bandar Cabbaas, inkastoo ilaa hadda aaney jirin war rasmi ah oo xaqiijinaya in labada qarax ay xiriir leeyihiin.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay dhisme guri oo ka kooban 8 dabaq, kaas oo ku yaalla gudaha magaalada Bandar Cabbaas.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars, qaraxan wuxuu burburiyay laba dabaq, wuxuuna khasaare culus u geystay dabaqyada kale ee dhismaha la beegsaday.

Sidoo kale, in ka badan 10 gaari oo yaalay agagaarka goobta ayey soo gaareen waxyeello xoogan.

Qaraxa labaad wuxuu ka dhacay nawaaxiga dekedda Bandar Cabbaas, inkastoo aan faahfaahin buuxda laga bixin sababtiisa iyo khasaaraha ka dhashay.

Telefishinka rasmiga ah ee Iiraan ayaa baahiyay muuqaallo muujinaya wejiga hore ee dhismaha oo gebi ahaanba dumay, iyadoo burburka uu ku fiday waddooyinka ku dhow.

Dhanka kale, wakaaladda Tasnim oo soo xiganaysa maamulka gobolka Hormozgan ayaa xaqiijisay in ciidamada gurmadka degdegga ah, dab-demiska iyo caafimaadka ay si dhaqso ah u gaareen goobta, ayna bilaabeen hawlaha badbaadinta iyo sugidda ammaanka.

Ilaa hadda lama shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha naf iyo maalba leh. Dhacdooyinkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay warbaahinta Iiraan beenisay warar la xiriiray dil loo geystay taliye ciidan oo sare, inkasta oo aysan jirin caddeyn muujinaysa xiriir toos ah oo ka dhexeeya qaraxyada iyo arrintaasi.

Dhinaca kale.

Wakaalada wararka ee Mahr waxay sheegtay in qaraxa kale ee ka dhacay dekadda Bandar Cabaas uu sababay geerida gabar 4 sano jir ah, halka 14 qof ay ku dhaawacmeen.

Maamulka maaraynta masiibooyinka ee gobolka Hormozgan ayaa xaqiijiyay in sababta qaraxa weli baaritaan lagu wado, natiijooyinkana ay wakhtiyada soo aadan shaacin doonaan hay’adaha rasmiga ah.

Dhanka kale, Ilaalada Kacaanka Iiraan iyo ilo xog-ogaal ah oo la hadlay wakaaladda Tasnim ayaa si cad u beeniyay warar ku faafay baraha bulshada oo sheegaya in la dilay taliyaha ciidanka badda ee Ilaalada Kacaanka.

Warbaahinta rasmiga ah ayaa sidoo kale sheegtay in aysan jirin caddeyn muujinaysa xiriir ka dhexeeya qaraxyada ama in lagu beegsaday hoggaan ciidan.

Bandar Cabbaas waa deked istaraatiiji ah oo aad muhiim ugu ah dhaqaalaha Iiraan, taasoo ka dhigaysa dhacdo kasta oo amni si dhow loola socdo, iyadoo la sugayo natiijada baaritaannada rasmiga ah saacadaha ama maalmaha soo socda.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -12-08-1447 Hijri.
Next: Mareykanka Oo Sheegay Inuu Dib Udhisayo Saldhigga Manda Bay Ee Dalka Kenya [Warbixin].

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-01-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-01-1448-Hijri

July 11, 2026
Suuqyada Boosaaso Oo Maanta U Xirnaa Lacago Uu Soo Rogay Maamulka Deni.
  • Allposts
  • Warar

Suuqyada Boosaaso Oo Maanta U Xirnaa Lacago Uu Soo Rogay Maamulka Deni.

July 11, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -26-01-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -26-01-1448 Hijri.

July 11, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada