Militiriga dowladda Shiicada Iiraan ayaa muujiyay in ay udiyaarsanyihiin ka jawaabida weerar ama caadis kasta oo uga yimaadda Mareykanka.
Sida lagu baahiyay tilifishinka rasmiga ah ee xukuumadda Tehraan waxaa warka kasoo baxay militirida shiicada dalkaasi ay ciidamada dalkaasi ku sheegeen in saacad waliba ay gacantoodu gaari karto saldhigyada Mareykanka ee mandiqadda, ayna taasi tahay arin sahlan oo ay ku naafeyn karaan Mareykanka hadii uu qaado tallaabo ka dhan ah shiicada Iiraan.
Afhayenka ciidamada Iiraan ayaa xilli uu ka hadlayay arimahan wuxuu muujiyay in ciidamadiisu heegan ugu jiraan difaaca iyo in ay ka falceliyaan weerar kasta, wuxuuna Trump ugu baaqay in uu kala doorto heshiis ama dagaal.
Wuxuu intaa ku daray in ciidankooda ay qaadi karaan tallaabooyin culus oo wiiqi kara awoodda Washington, ama kusii jiidi kara bohollada halista sida uu warka udhigay.
Hadalladan uu jeediyay afhayeenka ciidamada militiriga ee dowlada shiicada Iiraan wuxuu kusoo aadayaa iyada oo laga dhur sugayo sida ay noqon doonto natiijada wadahadal berri oo jimco ah la filayo inuu ka dhaco dalka Cumaan, kaas oo udhaxeeya xukuumadaha Washington iyo Tehraan.
Labada dalba waxay xaqiijiyeen qabsoomidda wadahadalkan, iyadoo sidoo kale gobolka laga dareemayo abaabul ciidan oo dhanka Mareykanka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Cabbaas Ciraaqji, ayaa sheegay in maalinta Jimcaha Tehraan uu ka dhici wadahadallo la xiriira barnaamijka nukliyeerka oo ay la yeeshaan Mareykanka.
Ku dhawaaqista Ciraaqji ayaa timid saacado kaddib markii ay soo baxeen astaamo muujinaya in qorshihii wadaxaajoodku halis ugu jiro inuu istaago, sababo la xiriira khilaaf ka dhashay qaabka iyo nuxurka wada hadallada la qorsheynayo.
Dhankiisa, wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio ayaa sheegay in masuuliyiinta Maraykanku ay ku hawlan yihiin sidii loo xaqiijin lahaa in kulan lala yeesho Iiraan uu dhaco toddobaadkan gudihiisa.
Si kastaba ha ahaatee xiisadda u dhaxeysa labada dal ayaa sii korortay kaddib markii madaxweynihii Donald Trump uu tilmaamay in Mareykanku uu awood militari u adeegsan karo Iiraan, isagoo uga jawaabaya falcelinada ee ay ka bixiso mudaaharaadyada uu martigeliyo dalka Iiraan.
Sidoo kale, Trump ayaa cadaadis xooggan wuxuu saaraya dowladda Iiraan si ay ula gasho heshiis meesha ka saaraya barnaamijkeeda nukliyeerka.