Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada islaamiga ah ee Baay, ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay dagaal culus oo toos ah ku mireen saldhig ciidan oo saliibiyiinta xabashida Itoobiya ku leeyihiin mid ka mid ah deegaannada hoostaga magaalada Baydhaba.
Weerarka oo ahaa mid culus ayay ciidamada mujaahidiintu si gaar ah ugu beegsadeen saldhigga saliibiyiinta Itoobiya ee deegaanka Awdiinle oo ka mid ah deegaannada hoostaga magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada mujaahidiintu sidan oo kale dagaal culus oo toos ah ugu ekeeyeen xerada maleeshiyaadka murtadiinta ee Bur-jeedka oo hoostaga magaalada Baydhaba.