Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala dhulalka muslimiinta ee ay dowladda Kenya xoogga ku haysato waxay saacadihii lasoo dhaafay fuliyeen weeraro lagu beegsaday saldhigyo ciidan oo Kenya ay ku leedahay gobollada Wajeer iyo Laamu oo ka mid ah dhulalka muslimiinta balse ku hoos jira gumeysiga Kenya.
Weerarka koowaad waxay ciidamada Mujaahidiintu ku mireen saldhigga ciidanka kuffaarta Kenya ee deegaanka Konton ee hoostaga degmada Qorof-xaraar ee gobolka Wajeer ee hoos jira gumeysiga Kuffaarta Kenya.
Weerarka labaad ayaa beegsaday xerada ciidanka Kenya ee deegaanka Milimaani oo dhaca gobolka Laamu oo ka mid ah dhulalka muslimiinta ee ku hoos jira gumeysiga Kufaarta Kenya.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in inta dagaalku socday u dab qasaday dhismo ciidamada Kuffaarta Kenya uga dhex tiillay xerada uguna keydsanayd sahay.