Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maraykanka Iyo Yahuudda Oo Wadajir U Weeraray Tehraan Iyo Iiraan Oo Gantaallo Ku Jawaabtay.
  • Allposts
  • Warar

Maraykanka Iyo Yahuudda Oo Wadajir U Weeraray Tehraan Iyo Iiraan Oo Gantaallo Ku Jawaabtay.

February 28, 2026

Maamulka gumeystaha Yahuudda iyo dowladda Maraykanka ayaa maanta si wadajir ah u billaabay duullaan ballaaran oo ka dhan ah Iiraan, kuwaas oo si isku mid ah u wada beegsaday magaalooyin kuyaal Iiraan oo ay Tehran ugu horrayso.

Donald Trump, madaxweynaha Maraykanka, ayaa sheegay in ay billaabeen weerar ballaaran oo ka dhan ah dowladda Iiraan, halka maamulka Yahuudda ay wasaaraddeeda difaaca sheegtay inay weerar ka hortag ah ku qaadeen Iiraan.

Idaacadda ciidanka Yahuudda oo soo xiganaysa ilo wareeedyo ayaa sheegtay in duqaymihii ugu horreeyay ee ka dhacay Tehran qaarkood lagu beegsaday xubno sar sare, warbaahinta gumeystuhu waxay sidoo kale sheegtay in qaar ka mid ah duqaymuhu beegsadeen tobannaan bartilmaameed oo dowladeed ah.

Wararka qaar waxay sheegayaan in duqaymaha Tehran ka dhacay lagu dilay taliyeyaal ciidan iyo xubno sare sare oo dowladda ka tirsan, wallow Iiraan ay dhankeeda beenisay arintaasi, waxay na intaas ku dartay inay nabad qabaan saraakiisha ciidanka iyo masuuliyiinta dowladda oo ay ka mid yihiin taliyaha ciidanka iyo madaxweynaha xukuumadda shiicada.

Duqaymaha dowladda Maraykanka iyo maamulka Yahuudda waxay sidoo kale beegsadeen magaaloyin ay ka mid yihiin Zanjan oo dhacda waqooyi-galbeed ee Iran iyo Shiraz, jugta qaraxyo dhowr ah ayaa lasoo wariyay in laga maqlay magaalooyinkaasi.

Warbaahinta Axios oo soo xiganaysa mas’uuliyiin Yahuud ah, ayaa sheegtay in Cali Khumeyni oo ah hoggaamiyaha sare ee Iiraan iyo Mascuud Pezeshkian oo ah madaxweynaha dowladda shiicada ah ee Iiraan ay ka mid ahaayeen bartilmaameedyada duqeymaha Yahuudda ee Tehran ka dhacay.

Dhankeeda, Iiraan waxay qaadday weeraro jawaab celin ah oo is haysta min Falastiin oo gumeysiga Yahuudda ku hoos jirta ilaa dalalka Khaliijka oo ay ku beegsadeen masaalixda Maraykanka.

Ciidanka cirka ee Iiraan ayaa gantaallo nooca kuwa dheereeya ku duqeeyay magaalooyinka Yahuudda xoogga ku haystaan, waxayna taasi oo keentay in dadka sahaayinada ah ee xoogga lagu dajiyay dhulalka muslimiinta ay galaan godadka gabbaadka ah ee dhulka hoostiisa ka qodan.

Khasaare hantiyadeed iyo dhaawacyo ayaa ka dhashay weerarada jawaab celinta ah ee dowladda Iiraan ku qaaday magaalooyinka Yahuuddu xoogga ku haystaan. Waxay sidoo kale Iiraan weeraro is xig-xigay ku beegsatay saldhigyo ciidan oo Maraykanku ku leeyahay dalalka Khaliijka.

Gantaallada Iiraan ayaa lagu beegsaday saldhigyada Maraykanka ee kuyaal magaalooyinka Dooxa oo Qadar ah, Abuu Dubaay oo Imaaraadka Carabta ah, Baxrayn, Kuwayd iyo Riyaad oo Sucuudiga ah.

Imaaraadka Carabta war uu soo saaray wuxuu ku sheegay in weerarada ka yimid dhanka Iiraan ay beegsadeen Abuu Dubaay, khasaare kala duwan in ay ka dhasheen gantaalladaasi ayay sheegeen oo ay ka mid tahay dhimashada hal qof.

Iiraan waxay ku goodisay in weeraradu socon doonaan, dowladaha Khaliijka sida Imaaraadka Carabta iyo Qadar oo warsaxaafadeedyo soo saaray waxay sheegeen in lagu soo xadgudbay, kana jawaab celinayaan weerarada kaga yimid dhanka Iiraan.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Tartan Aqooneedka Andalus {Xalqada 10-aad}.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -11-Ramadaan-1447-Hijri

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -28-10-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -28-10-1447 Hijri.

April 16, 2026
Akhriso Xogta Weeraro Lagu Dhiigbixiyay Ciidanka Uganda Iyo Maleeshiyada Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Xogta Weeraro Lagu Dhiigbixiyay Ciidanka Uganda Iyo Maleeshiyada Gurguurte.

April 16, 2026
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-Shawaal-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-Shawaal-1447-Hijri

April 16, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada