Deegaanno dhaca Sh/hoose ayaa maalmihii udambeeyay waxay marti-gelinayeen weeraro isugu jiray qaraxyo iyo dagaallo foolka fool ah, kuwaas oo si daran loogu dhiig-bixiyay maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaaliya.
Howlgalladaas waxaa ka mid ahaa qarax ay si weyn ugu hoobteen murtadiinta oo ka dhacay inta u dhacaysa degmooyinka Afgooye iyo Wanllaweyn, kaasi oo lala beegsaday gaari Cabdi bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaad murtadiin ah, 9 murtad ayaa howlgalka lagu dilay gaarigana gebi ahaaantii waa uu gubtay , askari ka badbaaday qaraxaasina ma jiri, murtadiinta ku halaagsantay howlgaalkan waxaa ka mid ahaa sarkaal taliye Urur iyo Abaandoole isku ahaa oo lagu magacaabi jiray Yaxye Cali Magan.
Xalay, maanta iyo ilaa caawa maleeshiyaadka murtadiinta ah si daran ayaa loogu dhiigbixiyay Sh/hoose, gaar ahaan nawaaxiga Afgooye iyo agagaarka saldhigga Balli-doogle.
Ciidamada Mujaahidiintu waxay kamiin culus u dhigeen kolonyo maleeshiyaad murtadiin ah oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa deegaanka Carbiska iyo degmada Afgooye, weerarkan dhabbagalka ah oo Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay ayaa lagu dilay 3 murtad ah halka lagu dhaawacay 3 murtad oo kale, waxaana murtadiinta waxyeello xooggan laga gaarsiiyay gaari cabdi bile ah.
Sidoo kale, ciidamada Mujaahidiintu waxay weerar kale oo jid-gal ah maanta u dhigeen kolonyo murtadiin ah oo ku socdaaleysay duleedka saldhigga Balidoogle ee Sh/hoose, kamiinkan waxaa si horudhac ah loo hubiyay in dhegta dhiigga loogu daray 8 murtad, halka lagu dhaawacay 11 kale, ilaa laba gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa murtadiinta looga gubay weerarkan.
Caawa maghribadii howlgal ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen isla aagga Balli-doogle ayaa cadowga murtadiinta ah looga gubay gaari 3-aad oo kuwa dagaalka ah.
Si guud tirada dhimashada murtadiinta ee maanta iyo caawa waa 12, dhaawacana intaas waa uu ka badan yahay, gaadiidka murtadiinta laga gubayna waa 3 gaari oo uu ku jiro gaari nooca miina baarka ah.