Waxaa kor u kacay tirada dadka ku dhintay roobab waaweyn oo mahiigaan ah oo ka da’ay caasimadda Nairobi iyo deggaanno kale oo ka mida waddanka Kenya.
Ugu yaraan 42 qof ayaa ku naf-waayay daadad xooggan oo ku dhuftay dalka Kenya, kaddib roobab mahiigaan ah oo ka da’ay waddankaas, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xukuumadda Nairobi.
Roobabka ugu xoogga badan oo da’ay Jimcihii lasoo dhaafay, ayaa dhimashada kasakow, waxa kale oo ay qaadeen gawaari fara badan, iyagoo dhanka kalena carqaladeeyay isu socodka gaadiidka, gaar ahaan kuwa garoonka diyaaradaha ee ugu weyn dalka Kenya.
Daadadku waxay sidoo kale khasaare baaxad leh u geysteen kaabayaasha dhaqaalaha iyo nolosha dadweynaha. Waxaanay saraakiisha dowladdu sheegeen in la helay 172 gaari oo daadadku ay qaadeen.
Labadan usbuuc ee u dambeeyey waddanka Kenya waxa uu wajahay roobab mahiigaan ah, kuwaas oo calaamad u ah bilowga xilliga roobabka gu’ga.