Waxaa cirka isku sii shareeray khilaafka xooggan ee ka dhex jira kooxda Riddada ee garwadeenka uu ku yahay murtad Xasan Sheekh Maxamuud iyo badi maamul-goboleedyada ashahaado-la-dirirka ah ee Soomaaliya.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka bilowday magaalada Nairobi, ee caasimadda waddanka Kenya, shirar xasaasiya oo ka dhan ah kooxda Villa Soomaaliya oo ay yeesheen xildhibaanno labada aqal ee Baarlamaanka Dawaaqiidda Riddada Soomaaliya ku metela maamullada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Shirarkan ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa mowqifyada siyaasadeed loona xoojin lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa xildhibaannada saddexda maamul, kuwaas oo dagaal siyaasadeed kula jira kooxda uu hoggaamiyo murtada Gurguurte.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in xildhibaannadan mucaaradka ah ee ku shirsan Nairobi ay sanqariyeen in kulamadani ay yihiin kuwo lagu gorfaynayo khilaafka sii xoogaysanaya ee kooxda Villa Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada, gaar ahaan xaaladaha cakiran ee ka soo cusboonaaday Koonfur-galbeed Soomaaliya.
Xogtu waxay tibaaxaysaa, in la filayo in sidoo kale wada-hadalladan diiradda lagu saaro, sidii loo heli lahaa mowqif mideysan oo xildhibaannada saddexdan maamul ay ku qaabilaan arrimaha taagan, isla markaana loo dhisi lahaa iskaashi siyaasadeed oo ka dhan ah Gurguurte iyo kooxdiisa.
Geesta kale, isla magaalada Nairobi waxaa xalay ka qabsoomay kulan xasaasiya oo ay yeesheen madaxa maamulka ashahaado-la-dirirka Galmudug, murtad Qoor-qoor iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ka mid yihiin murtadiinta kala ah Saacid, Rooble, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Cali Khayre.
Ilo-wareedyo maxalli ah ayaa sheegay in kulankani uu ahaa mid si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan mowqifka laga sugayo murtad Qoor-qoor ee ku aaddan khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan kooxaha riddada.
Xogtu waxay intaas ku dartay, in siyaasiyiinta mucaaradku ay Qoor-qoor ugu baaqeen inuu si cad uga hor-yimaaddo dastuur-gaalleedka lagu muransan yahay isla markaana uu ka baxo garabka murtad Gurguurte. Waxaanu madaxa maamulka Galmudug uu sheegay in talooyinkaasi uu ka fiirsanaayo.
Shirarkan xasaasiga ah ee lagu karkarinayo Nairobi ayaa kusoo aadaya xilli khilaafkii ugu xoogganaa uu haatan ka dhex taagan yahay maamullada Baydhabo iyo Muqdisho, isla markaana murtad Laftagareen uu xalay si rasmiya u magacaabay guddida doorashooyinka dadban ee maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.