Maleeshiyaadka Riddada Liyuu Booliska ee Dowladda Xabashida Itoobiya u adeegsato gummaadka shacabka muslimiinta ah ee Soomaali Galbeed ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxay dil iyo xarig u geysteen dad rayid ah oo ku nool degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxay oo ka mida dhulka Soomaali Galbeed ee ku hoos-jira gumaysiga Itoobiya.
Maleeshiyaadkan arxan-laawayaasha ah ee ku mabay dhiigga shacabka, ayaa lasoo weriyey in shalay ay si bareer ah u dileen qof shacab ah oo lagu magacaabi jiray Cismaan Cabaade Faarax, kaas oo ka mid ahaa xoolo-dhaqatada ku nool tuulooyinka hoostagta degmada Shilaabo.
Dilkan foosha xun ee maleeshiyaadkani geysteen ayay dadka deggaanku ay si weyn uga caroodeen, waxaanay sameeyeen bannaan-baxyo ay kaga soo hor-jeedaan ficilkaasi iyo guud ahaan tacaddiyada ay maleeshiyaadkani ka wadaan deggaankaasi.
Isla maleeshiyaadkii dilkan geystay ayaa lagu soo warramayaa in haddana ay beegsi gaar ah ku bilaabeen rasaas-na oodda kaga qaadeen dadkii mudaharaadayay, iyagoo degmada Shilaabo-na ku xir-xiray shacab u badan ehellada qofka la dilay.
Dilkan u dambeeyey ee ka dhacay degmada Shilaabo ayaa qayb ka noqonaya tacaddiga iyo xasuuqqa joogtada ah ee maleeshiyaadka dabaqoodhiga u ah Xabashida ee Liyuu Boolisku ay ku hayaan guud ahaan shacabka muslimiinta ah ee Soomaali Galbeed.