Waxaa marba marka ka dambaysa soo if-baxaya mashruuca millateri ee maamullada Sahaayinada iyo Maraykanku ay ka wadaan gudaha deggaannada uu ka arrimiyo maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland, gaar ahaan magaalada istaraatiijiga ah ee Berbera.
Le Monde (Limunde) oo ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer adduunka kana soo baxa waddanka Faransiiska, ayaa warbixin cusub oo uu baahiyey ku sheegay, in Yahuudda iyo Maraykanku ay dhisme millateri oo qarsoodiya ka wadaan duleedka magaalada Berbera.
Dhismahan ayaa la sheegay inuu si xawliya uga socda gudaha garoonka diyaaradaha ee Berbera, halkaas oo haatan loo beddelayo, sida uu wargeysku carabaabay, saldhig millatari oo ay isticmaali doonaan Mareykanka, Yahuudda iyo dowladda daba-dhilifka ah ee Imaaraadka Carabta.
Shaqada dhismaha saldhiggan millateri ayuu wargeysku xusay in Imaaraadku uu gacanta ku hayo, waxaanu kusoo aaday xilli Kayaanka Sahaayinadu uu maamulka gaallo-raaca Somaliland u aqoonsaday dowlad ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale.
Go’aanka aqoonsiga ayay warbixintu ku sifaysay tallaabo lama filaan ah, oo Yahuuddu ay uga gol-leedahay sidii saldhig millateri oo istaraatiijiya ugu yeelan lahayd Gacanka Cadmeed, oo aan ka fogeyn xeebaha Yemen, halkaas oo Xuutiyiintu ay ka hawl-galaan.
Ciiddii u dambaysay ee Soon-fur ayay ahayd markii Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheykh Axmad Cumar Abuu Cubeydah uu xaqiijiyey isla markaana digniin culus kasoo saaray saldhigyadan ay magaalada Berbera ka wadaan Yahuudda, Mayarkanka iyo Imaaraadka Carabta.
Dhismaha saldhiggan millateri ee ka socda magaalada Berbera, ayaa kusoo beegmay xilli Bariga Dhexe uu ka qarxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya Maraykanka, Yahuudda iyo xulafadooda oo isku dhinac ah iyo dowladda Shiicada Iiraan.