Siciid Cabdullaahi Deni, madaxa maamul goboleedka Ashahaada la dirirka ah ee Puntland, oo ka hor hor hadlayay xildhibaanada dawaaqiidda maamulkiisa ayaa sheegay in Xasan Gurguurte uu diiday doorasho heshiis lagu yahay, taa badalkeedana uu sameysto doorasho isaga u gaar ah.
Wuxuu ku eedeeyay madaxa kooxda Riddada Soomaaaliya in uu diyaarado drones ah ku weeraray masuuliyiin horay xilal uga soo qabatay kooxda oo uu ula jeedo mucaaradka, sidoo kalena beddelay dastuur gaaleedkii hore.
Wuxuu soo hadal qaaday in xukuumadda Riddada ah ee uu fadhigeedu yahay Muqdisho ay duullaan ku qaaday deegaanno aysan colaad ka jirin, xissillooni darrina ka abuurtay.
Deni oo sii hadlayay, ayaa sheegay in murtad Gurguurte uu maleeshiyaadka kooxda Riddada iyo dhaqaalaha kooxdan lagu tabantaabo uu u adeegsaday burburinta iyo boobka dhaqaalaha Soomaaliya.
Wuxuu Deni sheegay inay qaban doonaan shirar ka dhan ah kooxda Riddada ee uu hoggaamiyo Xasan Gurguurte, kuwaas oo ay uga tashan doonaan sidii ay meesha uga saari lahaayeen nidaamka Xasan Gurguurte.