La-taliyihii hore ee waxa loogu yeero amniga qaranka ee kooxda Villa Soomaaliya, murtadka lagu magacaabo Xuseen Sheekh Cali ayaa waraysi lala yeeshay ku iftiimiyey fashilka baaxadda leh ee dul-hoganaya kooxda riddada Soomaaliya.
Waxa uu si cad u sheegay in maleeshiyaadka kala duwan ee riddada Soomaaliya oo ku dhawaad 20 sano kuffaarta caalamku ay taageeraysay aanay awood u lahayn inay iska caabbiyaan weerarrada kaga imanaya Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Murtadkan oo sidoo kalena soo noqday taliye-ku-xigeenka maleeshiyaadka sirdoonka riddada ee NISA, ayaa carabaabay in baahidii amni ee 2009-kii haysatay maleeshiyaadka riddadu, ay weli taagan tahay, oo aanay ka maarmi karin ciidamada Afrikaanta ee duullaanka saliibiga ah kusoo qaaday dalka Soomaaliya.
Guul-darrada uu murtadkani qiray ee ku habsatay duullaanka macatab-ku-dirirka ah ee muddada badan ka socday dalka, ayaa kusoo aadaya xilli Kuffaarta caalamku ay joojisay lacagihii ay ku bixin jirtay hawl-galkan, isla markaana ciidamada murtazaqada ah ee Afrikaantu ay wajahayaan dhaqaale la’aan baahsan.