Jabuuti ayaa xaqiijisay in Itoobiya ay diidday dalab ah inay saamiga ugu badan ka iibsato mid ka mid ah dekedaheeda, iyadoo muujisay in saamigaasi aanay rabin haddii aan loogu darayn marin iyada u gaar ah, sida uu sheegay wargeyska Capital ee kasoo baxa caasimadda Addis Ababa.
Hay’adda Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ee Jabuuti (DPFZA) ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Jabuuti ay Itoobiya u soo bandhigtay 60% saamiga dekedda Tadjoura. Balse dalabkaasi ay ka gaabsatay dowladda Xabashida Itoobiya.
Sida lagu xusay warbixinta wargeyska Capital, Abuubakar Cumar Haadi oo ah Guddoomiyaha hey’adda dekedaha ee Jabuuti, ayaa sheegay in masuuliyiinta Itoobiya aysan aqbalin soo-jeedintaasi, balse ay doonayaan in la siiyo oo la iskugu daro saamigaasi iyo marin iyaga u gaar ah.
“Waxaan si cad oo hufan ugu soo bandhignay 60% saamiga Tadjoura, laakiin Itoobiya way diidday, iyadoo rabta marin dheeraad ah.” Ayuu Guddoomiye Abuubakar Cumar Haadi ku sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Jabuuti.
Sidoo kale Guddoomiyaha hey’adda dekedaha Jabuuti wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladda Jabuuti ay weli diyaar u tahay iskaashi ay la yeelato Itoobiya, isagoo xusay in dalkaasi horey uga faa’iideysanayay adeegyada dekedahoodu ay bixiyaan.
Sida ay sheegtay warbixintu, Jabuuti ayaa sidoo kale soo jeedisay xalal kale oo xeebteeda ah, oo ay ku jirto isticmaalka dekedda Tadjoura, balse codsiga Itoobiya ee marinka ayaa u muuqda inuu hakiyay wada-xaajoodyadii labada dhinac.
Dowladda Xabashida Itoobiya waxay dadaal xooggan ku bixinaysaa sidii xoog ama xeelad ugu xayuubsan lahayd xeebaha Soomaaliyeed. Iyadoo Janaayo 2024, heshiis xaaraan ah la saxiixatay maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland.
Ku-gacan-sayrka Itoobiya ee dalabka Jabuuti ayaa kusoo aadaya xilli Addis Ababa ay si weyn isha ugu hayso dekedda Berbera, halkaas oo muddooyinkan dambe sida la xaqiijiyey uu ka socdo dhismaha saldhig weyn oo millateri oo wada-jir ay u dhisanayaan Maraykanka iyo Yahuudda.