Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Akhriso Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalka Bariga Dhexe.
  • Allposts

Akhriso Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalka Bariga Dhexe.

April 14, 2026

Maamulka Sahaayinada ayaa weli wada duqaymo ba’an oo uu ka geysanayo koonfurta Lubnaan, halka ururka Xisbullah iyaguna ay wadaan iska-caabbin xooggan, isla markaana duqaymo ba’an ka geysanayaan deggaannada Yahuuddu ay xoogga ku haysato.

Ciidamada Mareykanka ayaa la sheegay in ay bilaabeen go’aankii uu ku dhawaaqay Trump ee ahaa go’doomin dhanka badda ah oo Maraykanku uu kusoo rogay dekedaha Iran.

Ujeeddada tallaabadan ayaa lagu sheegay in Tehran lagu cadaadiyo inay furto Marinka Hormuz iyo inay aqbasho heshiis lagu soo afjarayo dagaalka socday muddo lix toddobaad ah.

Iran waxay ku hanjabtay inay weerari doonto dhammaan dekedaha ku yaalla Gacanka Faaris iyo Gacanka Cumaan, iyadoo sheegtay in haddii aysan jirin ammaan iyaga u gaar ah, uusan jiri doonin ammaan cid kale u gaar ah.

AP ayaa sheegtay in go’doominta iyo xirnaanshaha Marinka Hormuz ay sababeen in qiimaha saliidda caalamka uu aad u kaco, isagoo gaaray ku dhowaad $100 halkii foosto, taas oo saameyn ku yeelatay qiimaha cuntada iyo agabka kale ee aasaasiga ah.

In kasta oo wadahadalladii u dambeeyay ee ka dhacay Pakistan ay ku dhammaadeen heshiis la’aan, haddana labada dhinac ayaa weli raadinaya fursado ay dib ugu bilaabaan wadahadallo fool-ka-fool ah, sida ay tebisay AP.

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka , JD Vance, ayaa goor dhawayd Fox News u sheegay in Trump aanu rabin in dagaalku sii daba-dheeraado, isla markaana ay rabaan heshiis guulaysta oo lagu soo afjaro colaadda Iiraan.

“Waxaan rabnaa dagaalka Iiraan in lagu soo afjaro heshiis weyn oo guuleysta, madaxweyne Donald Trump ma doonayo in ay muddo dheer uu sii socdo…” ayuu yiri madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka, JD Vance,

Isagoo hadalka sii wata ayuu intaas sii raaciyey “Waxaan ognahay in qiimaha tamartu kacday, isla markaana shacabka Mareykanka ay saameyn ku yeelatay. Sidaas darteed, waxaan wadnaa dadaallo wada-hadal oo adag si arrintan si dhow loo xalliyo.”

Xabbad-joojinta hadda jirta waxay ku eg tahay 22-ka Abriil, waxaana jira walaac laga qabo in dagaalku dib u qarxo haddii aan xal waara la gaarin. Xaaladduna waxay hadda u muuqataa mid aan salka ka fadhiyin oo goor walba ay suurto-gal tahay in xabbaddu bilaabanto.

Sacuudiga ayaa Mareykanka ku riixaya inuu soo afjaro go’doominta marin-biyoodka Hormuz, isla markaana uu dib u bilaabo wadahadalka, isagoo ka baqaya in xaaladdu ay faraha kasii baxdo, sida uu sheegay Wall Street Journal.

Wargeyska ayaa intaas ku daray in saraakiisha sacuudiyaanku ay ka digayaan in Iran ay ka aargoosan karto iyada oo carqaladaynaysa marinka Baab al-Mandeb, oo ah marin muhiim u ah dhoofinta saliidda.

Reuters ayaa ku warrantay in markabka Rich Starry oo laga leeyahay Shiinaha ayaa noqday markabkii ugu horreeyay ee mara marinka tan iyo markii go’doomintu bilaabatay, taas oo dhabar-jab ku ah go’aanka Trump.

Ciidanka badda ee Ingiriiska ayaa sheegay in la weeraray markab ku sugnaa meel qiyaastii 112 mayl-badeed koonfur-bari kaga beegan dhul-xeebeedka Ra’sal Xad ee dalka Cummaan.

Markabkan oo haybtiisa weli aan la xaqiijin, ayay ciidanka Ingiriisku sheegeen in gudihiisa uu dab xooggani ka kacay kadib markii laba gantaal lagu dhuftay.

Dowladda Shiicada Iiraan oo warka kasoo baxay markabkan la sheegay in la weeraray ka jawaabaysa ayaa beenisay in wax markab ah ay ku beegsatay koonfurta Lubnaan.

Waddamada ay ka mid yihiin Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa sheegay inaysan qayb ka noqon doonin go’doomintan, iyagoo xoogga saaraya muhiimadda ay leedahay in marinka dib loo furo si nabad ah.

In kasta oo xabbad-joojin ay jirto, haddana Yahuuddu waxay sii wadaan duqeymaha ay ku hayaan Lubnaan, iyagoo sheegay in dagaalka ka dhanka ah Xisbullaahi uusan qayb ka ahayn heshiiska xabbad-joojinta, halka Iran-na ay qabto inuu qayb ka yahay.

Warbaahinta Axios ayaa sheegtay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio uu wado qorshe uu doonayo in Washington uu Talaadada ku kulansiiyo safiirrada Yahuudda iyo Lubnaan si ay u bilaabaan wada-xaajood toos ah.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-10-1447-Hijri
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 27-10-1447-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -15-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -15-12-1447-Hijri

May 31, 2026
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -14-Dulxijah-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -14-Dulxijah-1447-Hijri

May 31, 2026
Warbixin Caalami Ah Oo Ka Dayrisay Qulqulatooyinka Ka Aloosan Gudaha Itoobiya.
  • Allposts
  • Warar

Warbixin Caalami Ah Oo Ka Dayrisay Qulqulatooyinka Ka Aloosan Gudaha Itoobiya.

May 31, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada