Dowladda Itoobiya , ayaa sheegtay in geeska Afrika uu xasillooni darro ahaan doono inta Itoobiya bad la’aan tahay.
Isaga oo waraysi siinayay talefishanka Itoobiya ee lagu magacaabo EBC, ayuu Abiy Axmed Ra’iisul wasaaraha Itoobiya sheegay in gobolka geeska Afrika uusan degi doonin inta dalkiisu bad la’aan yahay.
Abiy, ayaa nabadda iyo xasilloonida gobolka geeska Afrika ku xiray inay bad helaan, isagoo xusay in dekad la,aanta dalkiisa haysata ay si toos ah u saameysay horumarka dhaqaalaha, dalkiisana ka reebtay tartanka caalamiga ah.
“Waxyaabaha ugu waaweyn ee Itoobiya u diidaya inay noqoto dal isku filan oo la tartami kara dhaqaalaha caalamka waa dekedo la’aan,” waxaa sidaas yiri Abiy Axmed, raiisul wasaaraha Itoobiya.
Wuxuu sheegay in dalkiisa oo ka mid ah kuwa ugu dadka badan Afrika, uusan sii ahaan karin dal aan marin badeed lahayn.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dowladdiisu wado qorsheyaal ay ku yareynayso ku tiirsanaanta dekadaha dalalka ay jaarka yihiin, taasi oo micnaheedu yahay inay doonayso dekad iyo marin badeed iyada u gaar ah.
Maamulka Abiy Axmed, ayaa aad u raadinayay in uu helo marin badeed dalkiisa ku xira caalamka intiisa kale, isagoo si cad u sheegay in gaaritaanka badda u adeegsan doonaan xoog iyo xeelad intaba.